Xildhibaan Shaadh oo Digniin u Diray Dadka Ka Soo Horjeeda Aqoonsiga Somaliland
Xildhibaan Shaadh ayaa digniin adag u diray dadka ka horyimaada dadaallada aqoonsi raadiska Somaliland, isagoo sheegay in shacabka Somaliland ay muddo dheer u taagnaayeen xaqiijinta madax-bannaanidooda iyo raadinta aqoonsi caalami ah.
Xildhibaanka ayaa sheegay in cid kasta oo ka hortimaada aqoonsiga Somaliland ay ka hor imanayso rabitaanka shacabka iyo jiritaanka qaranimada Somaliland, isagoo ugu baaqay bulshada inay mideeyaan taageerada ay u hayaan ol’olaha aqoonsi raadiska.
Xildhibaan Shaadh ayaa sidoo kale xusay in aqoonsiga Somaliland uu yahay arrin muhiim u ah mustaqbalka dalka, isla markaana loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii beesha caalamka loogu qancin lahaa xaqa ay Somaliland u leedahay inay hesho aqoonsi rasmi ah.


0 





