Booliska Somaliland oo Hambalyeeyay Toddoba Sarkaal oo Ka Qalinjabiyay Jaamacadda Booliska Ethiopia

0
Sunday May 24, 2026 - 15:21:20 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 53
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Somaliland oo Hambalyeeyay Toddoba Sarkaal oo Ka Qalinjabiyay Jaamacadda Booliska Ethiopia

    Masuuliyiintan ayaa saraakiisha qalinjabisay la wadaagay farxadda i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiintan ayaa saraakiisha qalinjabisay la wadaagay farxadda i


May be an image of one or more people and text that says 'Dawan Yourparagraphtext Your paragraph Toddoba Sarkaal oo ka tirsan Booliska Somaliland oo ka Qalinjabiyay Jaamacadda Sandafa ee Ethiopia χ @DawanSomali'


Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray toddoba sarkaal oo maanta ka qalinjabiyay Heerka Labaad ee waxbarashada Jaamacadda Ciidamada Booliska dalka Ethiopia ee Sandafa.


 

Munaasibadda qalinjabinta ayaa waxaa ka qayb galay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska JSL, Sarreeye Guuto Cabdi Axmed Tiir, iyo wafti saraakiil sare ah oo uu hoggaaminayay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Hoggaan-Xigeenka Tababarka iyo Taliyaha Kulliyadda Saraakiisha.


 

Masuuliyiintan ayaa saraakiisha qalinjabisay la wadaagay farxadda iyo guusha ay gaadheen, iyagoo ku bogaadiyay dedaalka, kartida iyo aqoonta ay kasbadeen muddadii labada sano ahayd ee waxbarashadu socotay.


 

Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa sheegay in guushan ay muujinayso hawlkarnimo, adkaysi iyo himilo ay saraakiishani ugu adeegayaan qarankooda, iyagoo sidoo kale u rajeeyay mustaqbal ifaya iyo inay aqoontooda door muuqda uga qaataan horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Booliska Somaliland.

Loading...
Loading...