Madaxweyne Cirro oo Telegraph uga Warramay Ahmiyadda Istaraatiijiga ah ee Somaliland iyo Aqoonsi Raadiskeeda

0
Sunday May 24, 2026 - 15:06:56 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 51
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Cirro oo Telegraph uga Warramay Ahmiyadda Istaraatiijiga ah ee Somaliland iyo Aqoonsi Raadiskeeda

    Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay xidhiidh taariikhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay xidhiidh taariikhi



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Telegraph ee dalka Britain kaga hadlay muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland, xidhiidhka ay la leedahay Ingiriiska, iyo dadaallada ay ugu jirto sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah.



 

Madaxweyne Cirro ayaa wareysigaas si faahfaahsan ugu sharaxay marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay 35-kii sano ee la soo dhaafay, qaabkii loo dhisay nidaamka dawladnimo, hirgelinta doorashooyinka dimuqraadiga ah, iyo astaamaha dowladnimo ee ay Somaliland leedahay.


 

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay xidhiidh taariikhi ah la leedahay Britain, isagoo carrabka ku adkeeyay in haddii Ingiriisku dhab ka yahay taageerada dimuqraadiyadda, xorriyadda hadalka iyo xasilloonida siyaasadeed, ay tahay inay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland.


 

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay buuxisay shuruudaha dowladnimo ee heshiiska Montevideo Convention, isaga oo xusay in Somaliland leedahay xuduudo cayiman, dad joogto ah, dawlad shaqaynaysa iyo awood ay kula macaamisho caalamka.


 

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa beeniyay warar sheegayay in Somaliland taageertay sheegashada Argentina ee jasiiradaha Falklands, isagoo caddeeyay in Somaliland ay taageersan tahay maamulka Britain ee jasiiradahaas.


 

Warbixinta Telegraph ayaa sidoo kale tilmaantay muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland, gaar ahaan dekedda Berbera, marin-biyoodka Bab al-Mandab, khayraadka dabiiciga ah ee dalka, iyo maalgashiyada waaweyn ee ka socda gobolka, kuwaas oo sare u qaadaya doorka Somaliland ee ganacsiga iyo amniga gobolka.

Loading...
Loading...