Guddoomiyaha Waddani Xirsi Cali Xasan oo Qaabilay Maayirka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge
Kulankan ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed
Guddoomiyaha xisbiga Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Maayirka xilka dhawaan wareejinaya ee magaalada Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge, iyo labada mudane ee ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, Yaasiin Cumar Yare iyo Xuseen Ibraahin Askar.
Kulankan ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed, arrimaha maamulka caasimadda Hargeysa, iyo wada-tashiyo la xiriira isbeddellada maamulka ee ka socda golaha deegaanka. Mas’uuliyiinta kulanka yeeshay ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta iyo dardargelinta adeegyada bulshada ee muhiimka u ah shacabka Hargeysa.
Loading...
Loading...


0 





