Weli Curada-daadaan Birtii Cadw La Tabsiin ( Abdi-Shotaly).
Nin ambaday halkuu maray way ula ekoonayde, ruuxii uu shaki ka hayaw waa tan tuntii ee u soo fadhiiso. Askariggii intuu shir isi soo taagay, oo is yidhi hadal buu wixiisii xilka lahaa sii walaaqday, taas oo uu hore u eeday la wadhadhacdda noocaas ah, oo si badheedh ah ay uga soo dhacday, isku dirkii beelaha bari ( Hj iyo Garxajis). Wuxu Af buuxa ku yidhi " Laba beelood oo kala baqanaaya, baa ciidankii qaranka lagu dilay" horaase loogu maah-maahay " Af aanad lahayn lama qabo'e" ka lagu sheegaayo hor-joogaha Somaliland, waa ka waxaas ku hadaaqaaya, ee isagu isku sii fidmaynaaya, dab-kana isugu dhiibaaya beelaha, colaad aan jirina sii abuuraaya, sababta oo ah isaga bay faa'iido ugu jirtaa, dana kama laha wixii dhimanaaya ee reer bari ah, ee caqliga ku jiraa waa ka ku yidhi, iska horkeen oo kursiga khiyaaliga ah ku dheerayso. shaki kuma jiro iyo inaba wax mad-madaw ahi, ee waa cadaan in uu isaga iyo geenyo shaaximani dabadda ka wadaan colaadda ceel-af-weyn. waxa is waydiin leh hadaba maxaa ku kelifay in uu yidhaahdo " laba Beelood oo kala baqanaaya iyo wixii uu derderaayey" isaga oo siddii dhurwaa raq ka dibiray gafuurka sare u taagaaya. ilayn nimaan xishoonayn dagaal xeeli kama hayso'e. waxa ka keenay waxa weeye damqasho hoose, taas oo ah ninka reer Samatar ee lagu dilay ceel-af-weyn, baa kala xoog weynaatay, in alaale intii shanta sanadood iskaga dhex dhimatay, beelaha jiidaas colaadu dhex taalo iyo askartii lagu dilay gooba-haas iyaka ah, Waxa aan iyana la soo koobi karin askarta goboladda kale iyana ku naf waayey, oo aan tiro lahayn.
Akhristaw waxan ku soo dabray maqaalkan, oo aan askariga u sheegayaa " Weli curada-daadaan birtii cadw la taabsiine, coof-laydda duushaan, indhaha ciidda kaa marine, cad dhafoorka kugu yaala ah, baan haadu ku cashayne, caways-kaan laguu iman, adoo cararay waagiiye" Askari qudha oo qoys-kaaga ah oo la dilay, baad oohinta la wadhaye, H. Jeclo iyo Garxajis way iska dhamaan khlifaaka aad ku dhex tuurtay, waana ay soo dhamaan doontaa goor ay noqotaba, laakiin waxa dhul dheer laga dooni doono iyo waxa ay ku dambayn doontaa, intuba wax yihiin wax adiga gonda-haaga fadhiista, kana faa'iidaan labadda beelood ee aad isku lisaysaa, kuwaas oo marka aad afka kala qaado-ba naxli hor leh, cadaawad iyo colaad aad ku sii beertid, ogaw-se hees baa waxa ereya-deedda ka mid ahaa uu (IHUN) qaadi jirey Maxamed Mooge Liibaan " Ahaan mayso dunidani sidda aad u moodoo, anna urugo iyo ciil ku idlaysan, waxa iman yaantii alle aan ka sugayee" ujeedadu waxa weeye, Aduun-yadu sidaa kuma gudhe saac kalaa bixiye, ha sugi waayeen, subax aan fogayn baa iman doona wixii aad dhigatay, taas oo cid waabisa iyo RRu guri ugu dhacdaa mid-na aanu wax kuu tarayn, ee inta la gaadhaayo cantabadda isua sii qub.
* N.B Af Aanad Lahayn Lama Qabto!
Qore:- Abdi-shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





