Madaxweynaha Puntland: "Waa Lagu Kalsoonaan Karaa Warbixinta New York Times

0
Tuesday July 23, 2019 - 19:35:23 in News by
  • Visits: 2728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland: "Waa Lagu Kalsoonaan Karaa Warbixinta New York Times

    Madaxweynaha Puntland: "Waa Lagu Kalsoonaan Karaa Warbixinta New York Times

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland: "Waa Lagu Kalsoonaan Karaa Warbixinta New York Times


Garoowe(HWN):-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Soomaaliya Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa Maanta ka hadlay Warbixinta ku saabsan Cod Telefoon la sheegay inay is-dhaafsadeen Danjiraha Qatar u jooga Soomaaliya, Ambassador Xasan Bin Xamza Haashim iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka dalka Qatar oo uu soo bandhigay Wargeyka The New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka.




Madaxweyne Saciid-Deni oo ka qeyb galay Bandhigga Buugaagta Garoowe oo sanadkii 5-aad la qabtay ayaa waxaa uu sheegay in lagu kalsoonaan karo Warbixinta uu baahiyay Wargeyska The New York Times, taas oo ah in Danjiraha Qatar u jooga Soomaaliya iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka Qatar ay kaga wada hadleen Qarax Bishii May ee Sanadkan ka dhacay Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.


Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka dalbaday inay baadhitaan dhab ah ku sameeyaan Warbixinta uu daabacay Wargeyska The New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka.


Hadalkan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Soomaaliya ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa, iyadoo Wargeyka The New York Times uu baahiyay shalay Galab Warbixin ku saabsan Cod Telefoon laga duubay Danjiraha Qadar u jooga Soomaaliya iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thaani,kaasi oo ay ka wada hadleen Qarixii bishii May ee sannadkan ka dhacay Boosaaso, kaasi oo ay Mas’uuliyadiisa Sheegtay Ururka Daacish.

Loading...
Loading...