Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Caqabado Hortaagan Doorashada Maamulka Galmudug
Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadashay dib u dhac ku yimid doorashadii baarlamaanka iyo madaxweynaha maamulka Galmudug.

wasiirka arimaha gudaha dawlada soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in caqabado ay hortaagan yihiin doorashada madaxda maamulka Galmudug iyo sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhan yahay, waxaanu tilmaamay in dedaalada uu raysal wasaaruhu wado guulo muhiim ah laga gaadhay.
Wasiir Sabriye oo ugu horeyn ka hadlayay safarka ra'iisal wasaare Kheyre ayuu yiri"Ra’iisul Wasaaraha muddo ayuu joogaa, dadaal badan waa sameeyay, wuxuu arkay dhaqankii, dadkii iyo culimadii, meel walbana waa tagay degmo iyo tuulo, waxaa uu ku guuleystay in deegaanka iyo maamulka la isku soo dhoweeyo, horayna loo socdo”ayuu yiri Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye.
Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan arrimo la go'aasaday in wax laga qabto kuwaa oo hadda howshooda lagu guda-jiro, waxaana ka mid ah ayuu yiri arinta ciidamada la qarameeyay ee Ahlusuna , amniga magaalada Dhuusamareeb iyo, dib u heshiisiinta iyo arrinta doorashooyinka .
Mar uu ka hadlayay dib u dhaca doorashada ayuu sheegay in dadka la isku soo dhoweeynayo, isla markaana dhibaatada jirtay, khilaaf iyo waqtiga oo dhamaaday ay dowladdu go’aansatay in wax laga qabto.
Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa muddo bil ku dhow ku sugan Galmudug, isagoo ku guda jira dadaalada lagu dhisayo Maamulka Galmudug oo weli ay caqabado ka jiraan, kaddib markii qaar ka mid ah beelaha dega Galmudug ay salluugeen qaabka Ra’iisul wasaaraha wax u wado.


0 





