Wasiirka Caafimaadka Oo Kormeer ku Yimid Awdal, Deeqna Gaadhsiiyay Cisbitaalka Dhimirka Iyo TB-da Borama.(Sawiro)

0
Tuesday July 23, 2019 - 17:56:34 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Caafimaadka Oo Kormeer ku Yimid Awdal, Deeqna Gaadhsiiyay Cisbitaalka Dhimirka Iyo TB-da Borama.(Sawiro)

    Boorama (HWN) Wasiirka Wasaarada Hormarinta caafimaadka Somaliland Prof. Cumar Cali Cabdilaahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boorama (HWN) Wasiirka Wasaarada Hormarinta caafimaadka Somaliland Prof. Cumar Cali Cabdilaahi
ayaa maanta kormeer hawleed ku yimid gobolka Awdal, waxana wasiirka iyo Wafdigiisa soo dhaweeyay Isku duwaha caafimaadka ee gobolka Awdal iyo masuuliyiinta kale ee caafimaadka ee gobolka Awdal iyo degmada
Boorama
.

 

Wasiirka oo ujeedada Safarkiisa ka waramaya ayaa xusay in uu salka ku hayo u kuurgalka adeegyada caafimaad iyo shaqaalaha caafimaad ee gobolka Awdal waxana uu intan raaciyay "Wasaarada Caafimaadku waa wasaaradaha Adeega bixiya, adeeguna waxa uu u baahan yahay in tayadiisa la joogteeyo, tayaduna waxa ay u baahan tahay in qorshe iyo siyaasad loo sameeyo oo shaqaalaha la tababaro, in adeega marka la bixinayana la kormeero oo laga war-hayo, sidaas aawadeed ayaan u go’aansanay in aan gobolkan iyo gobolada kale ee dalkaba kormeerno oo aan la kulano masuuliyiinta caafimaadka una kuur-galno habka uu u socdo maamulka iyo maaraynta caafimaadku”

 

Isku duwaha Caafimaadka ee gobolka Awdal iyo Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Boorama ayaa iyaguna soo dhaweeyay wafdigan ugana xog waramay xaalada guud ee caafimaadka iyo tan gobolka Awdal.

 

Wixii intan ka dambeeyay ayaa wasiirku waxa uu soo kormeeray MCH-ka magaalada Dila, Kuliyadaha Caafimaadka ee Jaamacadda Camuud iyo Qaybaha kala duwan ee cisbitaalka guud ee Boorama, waxana uu halkaas deeq iskugu jirta daawooyin iyo timir loogu talo galay Qaybaha TB-da iyo Dimirka iyo Cisbitaalka Saylac uu ku wareejiyay Iskuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Awdal.

 

Si kastaba ha ahaatee Safarkan oo ah kii ugu horeeyay ee uu Wasiirka Hormarinta Caafimaadka ee gobolka Awdal ku maro gobolka Awdal ayaa waxa ku wehelinaya Agaasimaha Guud ee Wasaarda Caafimaadka ee gobolka Awdal, waxana uu mudo dhawr maalmood ah ku maqnaan doonaa degmooyinka Baki Boorama Saylac iyo Lughaya ee gobolka Awdal.


Loading...
Loading...