Afrika Oo Laga Casbi Qabo Inay Soo Gaadho Nooc Kamid Ah Kaneeco Dilaa Ah

0
Tuesday July 23, 2019 - 10:19:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afrika Oo Laga Casbi Qabo Inay Soo Gaadho Nooc Kamid Ah Kaneeco Dilaa Ah

    Khuburada caafimaadka dunida waxay sheegeen in nooc kamid ah Kaneecada sida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khuburada caafimaadka dunida waxay sheegeen in nooc kamid ah Kaneecada sida

weyn ugu faaftay Koonfur Bari ee qaaradda Aasiya ay u adkeysan karto dawooyinka muhiimka ah ee duumada.



Dhaqaatirtan oo kasoo kala jeedo dalalka Ingiriiska iyo Thailand, waxay sheegeen in daraasadda ay horseedi karto walaac ah in Kaneecada ay sidoo kale ku faafi karto qaaradda Afrika.


Kaneecadan waxay markii hore ka timid dhinaca dalka Cambodia, waxayna gaartay dalalka Thailand iyo Vietnam, halkaas oo buukaanadii ay ku dhacday malaariyada ay wax u tari weysay dawad.


Deegaanada qaar, boqolkiiba 80 Malaariyada ka dhalata Kaneecadan, dawooyinka waxbo uma tarayaan bukaanka isla markaasna waxay leedahay awood ay isaga caabiso dawada.


"Kaneecadan si weyn ayay u faaftay, waxay horseeday xaalad darran" ayuu yiri Dr Roberto Amato oo ka mid ah macadka Wellcome Sanger Institute.


Waxaa horumaro laga gaaray ciribtirka cudurka Duumada ee saameynta ku hayo nolosha dad badan, si kastaba, waxaa tallaabooyinkaas caqabad ku ah cudurada ka dhasha kineecada aysan dawada ka hortagi karin.

 

BBC

Loading...
Loading...