Gacan-Libaax Raad Gadasho Noqon Mayso Q.6aad (Abdi-Shotaly).

0
Saturday June 22, 2024 - 11:40:08 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Gacan-Libaax Raad Gadasho Noqon Mayso Q.6aad (Abdi-Shotaly).

    * N.B Taariikhdu Wax Bay Hagtaa, Nimaan Hadin Bay Hodaa Sidda Askariga!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Taariikhdu Wax Bay Hagtaa, Nimaan Hadin Bay Hodaa Sidda Askariga!
No description available.

Waxa jira dhacdooyin is daba taxan oo ka bilaabmaya oo ay mid yihiin:-


1. 8/oct/2020 geeridii cali khaliif iyo samayntii reer sool ay ku yeelatay hadalkii tabliiqa siyasada ee gobolada s/land uu ku maray, hadaladaa waxaan kasoo qadanayaa dhawr hadal (a) dastuurka ma nin baa sumadii geloodu ay ugu talaa? Cid ka jawabtayna may jirin
(b) s/land lawada leeyahay ayaanu doonaynaa cidina aaney naga sheegan karin
(C) ugu danbayn wuxuu ka hadlay heshiiska dekada berbera ee ethopia iyo emaradka ay la galeen s/land , waxaney shegayaan ilo wareedyo badan oo lagu kalsoonaan karaa kalmadahaasi in ay noqdeen kuwii galaaftay cali noloshiisa , arintaana waxa iska kaashaday mr biixi dolaal xaal xaali iwm.

1. Aug/ 2021 waxa lagu dilay magalada laascanood gudomiyihii komishanka dorashooyinka s/land Mr Laba-gole, arintaa oo shacabka laascanood wax badan oo ay tuhunsanayeen, ay ugu cadadeen markii ay heleen cadaymo badan cid wax ka qabatana ay wayeen.
24/ Nov/2022 Askariga ayaa si cad ula wareegay qaadkii ina jabuutawi, taas oo keenay caqabada ugu adag ee kacdoon, si cadna loo wada dawanaayey sida jawigii laascanood isu bedelay markiiba.
26/dec/ 2022 waxa si cad loo dilay hadraawi, waxana dilay laba nin oo ka tirsan ciidanka qaran, khasatan policeka s/land si cadna looga garanaayo ilaa hadana jooga burco, labadaa nin mid waxay isku hayb hoose yihiin wasiirka arimaha gudaha, ka kalena waxay isku hayb yihiin kornayl canbaashe waxay ahayd shirqool ay dhigtay dawldu.

27/dec/2022 waxa laascanood ka bilaabmay kacdoon shacab, shacabka oo dawlada waydiinaya haldoor-kayaga yaa laynaaya? Laakin xukumadu waxay kaga xajaawbtay rasaas in lala dhaco dadkii shacabka ahaa.1/Jan/202, baaqi garaad jamac garaad ismaciil uu ugu baaqay isimada dhulbahnte in ay isugu yimadaa laascanood, arintaas oo ahayd hal-bawlaha ama laf dhabarta kacdoonka sool. Akhristaw waxani waa taariikh aan qoraayey, dhacdooyinkii maalin kasta iska daba imanaayey iyo taariikha-hoodda cisho kasta oo aynu soo dhaafnay.
La Soco Q.7aad.
* N.B Taariikhdu Wax Bay Hagtaa, Nimaan Hadin Bay Hodaa Sidda Askariga!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...