Ciidanka Dabdamiska Somaliland oo soo Bandhigay Hawlgaladii ay Fuliyeen 6-Dii Bilood ee Sannadkan

0
Monday June 12, 2023 - 10:49:56 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Dabdamiska Somaliland oo soo Bandhigay Hawlgaladii ay Fuliyeen 6-Dii Bilood ee Sannadkan

    Hawl-galadda daminta dabka ee ay ciidanku sameeyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawl-galadda daminta dabka ee ay ciidanku sameeyeen



Ciidanka Daba-damiska Qaranka Somaliland ayaa soo bandhigay khasaaraha naf iyo maal ah ee uu sababay dabku lixdii bilood ee sannadkan


 

Taliska guud ee ciidanka Daba-damis Somaliland ayaa soo bandhigay khasaaraha naf iyo maal ba leh ee ka dhashay dabka, kaasi oo ay ciidanku ka hawl-galeen isla markaana ay damiyeen.



 

Hawl-galadda daminta dabka ee ay ciidanku sameeyeen lixdii bilood ee u horeeyay sanadkan 2023 ayaa ay talisku soo bandhigeen waxyeeladii uu gaystay iyo sidii ay uga hawl-galeen ciidanku.


 

Ciidanka Daba-damiska Somaliland ayaa sheegay in lixdii bilood ee u horeeyay sanadkan ay ciidanku damiyeen dab dhan 341 dab, ciidanka ayaa u isticmaalay latacaalista dabkaasi biyo dhan 2,943 foosto oo biyo ah.


 

Sidoo kale ciidanka Daba-damis Somaliland ayaa soo bandhigay qiimaha hantida la badbaadiyay oo dhanayd 3,572,726 dollar, sidoo kale ciidanka ayaa soo bandhigay inta qof ee ay ka badbaadiyeen dabka oo ay sheegay inay yihiin 51 qof.


 

Ciidanka ayaa sidoo kale soo bandhigay tirada xoolaha iyo gaadiidka ay badbaadiyeen lixdii bilood ee sanadka 2023-ka oo ay sheegeen inay badbaadiyeen 48 gaadhi iyo sidoo kale inay badbaadiyeen xoolo nool oo isugu jira Geel, Lo”, Adhi, Bisado iyo sidoo kale Ay.


 

Gaba’gabadii ciidanka Daba-damis Somaliland maaha markii u horraysay ee ay soo bandhigaan shaqada ay bulshada u hayaan balse waa mid ka muuqata xilliyada dhibta dabku ay jirto iyo sidoo kale wax-tarkooda la arko xiliyada roobku da’ayo.

Loading...
Loading...