Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise(Sangub) Oo Lagu Aasay Magalada Jigjiga+Sawiro

0
Friday June 21, 2019 - 18:25:11 in News by
  • Visits: 5414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise(Sangub) Oo Lagu Aasay Magalada Jigjiga+Sawiro

    Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise(Sangub) Oo Lagu Aasay Magalada Jigjiga+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise(Sangub) Oo Lagu Aasay Magalada Jigjiga+Sawiro


Jigjiga(HWN):-Magaalada Jigjiga ee xarunta dawlada deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa aas qaran loogu sameeyey abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise(Sangub) oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.


Aaska abwaan Sangub loogu sameeyey magaalada Jigjiga ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday dawlada deegaanka, dawladaha somaliland iyo soomaaliya iyo marti sharaf kale.






Madaxweynaha dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar , wasiirka biyaha somaliland Saleebaan Cali Koore, xildhibaano, abwaano iyo dadweyne kale oo hadalo ka jeediyey xabaasha marxuun Sangub ayaa ka waramay qiimaha uu abwaanku ku dhex lahaa dadka afka soomaaliga ku hadla.


Sidoo kale dad ay ka mid ahaayeen abwaan Cabdi qays, abwaan Siciid Saalax, Abwaan Maxamed Aadan Dacar, Xasan Rooraaye, Khadra Daahir Cige, Nakruuma, Daa,uud Cali Masxaf, Abwaan Laabsaalax, xubno ka mid ah qoyska marxuun abwaan Sangub iyo xubno kale ayaa ka hadlay aaska marxuunka kuwaas oo ka waramay shakhsiyadiisii.



Loading...
Loading...