Maamulka Galmudug Oo Deegaanadiisa Ku Soo Rogay Amar Ka Dhan Ah Masuuliyiinta Dawlada Federaalka Ah
Muqdisho(HWN):-Maamul goboleedka Galmudug ayaa amar uu soo saaray deegaanadiisa kaga mamnuucay inay yimaadaan masuuliyiinta ka tirsan dawlada federaalka ah ee soomaaliya.
War ka soo baxay madaxtooyada maamulka Galmudug ayaa lagu amray in diyaaradaha ka soo dagaya deegaanada maamulkaasi aanay soo qaadi Karin masuuliyiin ka tirsan dawlada federaalka ah ee soomaaliya.

Sidoo kale warka ka soo baxay madaxtooyada maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in masuuliyiinta ka tirsan dawlada federaalka ahi aanay iman Karin guud ahaanba deegaanada maamulkaasi.
Dhinaca kale wasiirka arimaha gudaha ee dawlada soomaaliya ayaa laga horistaagay inuu ka soo dago magaalada Dhuusamareeb ka dib markii uu madaxweyne Xaaf dhigay ciidan ka amar qaata, taas oo keentay in wasiirku ka dego degmada Guriceel.
Khilaafka u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa haatan maraya halkii ugu saraysay, iyada oo doorashada maamulkaasna ay ka hadhsan tahay mudo koobani
Halkan Ka Akhriso Warka Ka Soo Baxay Maamulka Galmudug



0 





