Aan dalkayga difaacee doorasho qabo: Garxajis !
Marka hore waxan tacsi U dirayaa dhaman inta ku geeriyootay dagaalka laascaanood ciidamada iyo shacabkaba
Shaki kuma jiro in si Qaldan loo maamulay
Balse, Geela Duqiisii durduriyey Aarankiisa maxaa laga Sugayaa Garaadadu shacabkooda nabad uguma Talin waxaan ka mid ahay dadka kasoo horjeeday aadna u dhaliilay dagaalka laascaanood in lagu dagaalamo, Waxa sharaf mudan wax garadka salaadiinta cuqaasha beelaha Samaroon Iyo reer sheekh isxaaq gaar ahaan beesha garxajis salaadiintooda sida Hufan uga hadlay garaadaduna dhag jalaq u siin waayeen in ay nabad kuso dabaalaan xaalka colaadeed.
Hadaba waxa soo baxay xaalada xaasaasiga ah ee ka danbeysa dagaalkan cadayna ay u tahay waxa garaadada Iyo gudida 33 ka ah isku mawqif ka dhigay oo ahaa arin meelaysnaa oo laga lahaa burburka guud ee somaliland.
Waxa si cad ciidamo daaroodiisam ahi ay ku soo Duuleen qarankan Muqadas ka ah ee gaaray horu marka.
Hadii muuse shalay la dhaliilayay si walba haku timaadee maanta qaranka ayaa lagusoo duulay
Waxad u malaysaa siyaasiyiinta beesha garxajis inaanay weli u muuqan oo ay difaaca dalka ku xidhayaan doorasho. Marka hore dalkiina dumarkiina iyo hantidiina badbaadsha intaanay gaadhin maxay ku nuugtaa ama ka nuugtaa
Ciidanka qaranka hala garab istaago.
Raga siyaasada ku ilka beelay sida jaamac Shabeel oo ay ka baxsan waayeen gabdhaha ciidankooda kimista u dubay yaan talada qaranka wax laga weydiin.
Hanoolaato Somaliland.
Wabilaahi Tawfiiq.
Political activist : Abdiqani
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





