Raysal Wasaarihii Hore Ee UK Oo Sheegay In Uu Putin U Hanjabay
Ra'iisul Wasaarihii
hore ee Britain Boris Johnson ayaa sheegay in mar uu taleefoon kula soo
xiriiray Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka hor duulaanka Ruushka uu ku
qaaday Ukraine, uu ugu hanjabay inuu gantaallo ku weerarayo.
Ra'iisul wasaarihii
xilligaas wuxuu sheegay in uu Putin ku yiri "hal daqiiqo oo kali ah ayey qaadan".
Johnson wuxuu xusay in
weedhan uu Putun adeegsaday ka dib markii uu kaga digay inta lagu guda jiro
wicitaan telefoon oo "aad u dheer" kaas oo isaga iyo Putin dhex mnaray bishii Febraayo 2022 in dagaalku
noqon doono "musiibo ballaaran".
Johnson ayaa uga digay
Putin in duullaanka Ukraine uu u horseedi doono cunaqabateyn reer galbeedku
saaro Ruushka iyo ciidamada gaashaan buurta NATO oo la soo dhoobo xuduudaha
Ruushka.
Waxa uu sidoo kale isku
dayay in uu ka hor joogsado Putin tillaabo militari isagoo u sheegay in Ukraine
aysan ku biiri doonin NATO "mustaqbalka dhow".
Ra'iisul Wasaarihii
hore ayaa yiri: "Hal mar ayuu ii hanjabay oo igu yiri wax la mid ah,
'Boris, ma rabo in aan anigu ku dhaawaco, laakiin gantaalka waxay ku qaadan
doontaa hal daqiiqo oo kaliya'."
"Laakiin waxaan u
maleynayaa in qaabkiisa dabacsan, is lurid la’aantiisa, uu uga jawaabayay isku
dayga aan ku doonayey inaan ku qanciyo inuu gorgortan galo."
Suurtagal ma aha in la
ogaado in hanjabaadda Putin ay dhab tahay.
Si kastaba ha ahaatee,
marka la eego weerarradii hore ee Ruushku ka fuliyey gudaha Britain – sida kii ugu dambeeyay ee Salisbury ee 2018 -
hanjabaad kasta oo ka timaada hoggaamiyaha Ruushka, si waliba oo uu kaftan ahaa
loo dhoho, ayaa u badan inay Johnson ku qasabvto inuu hanjabaad dhab ah u
qaato.
Faahfaahinta kulanka
ayaa lagu soo bandhigi doonaa Dokumentariga BBC-da oo maanta la baahin doono,
kaas oo ku saabsan wadahadalladii Putin uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha
caalamka.
Sagaal maalmood ka dib,
11-kii Febraayo, Wasiirka Difaaca Britain, Ben Wallace wuxuu u duulay Moscow si
uu ula kulmo dhiggiisa Ruushka, Sergei Shoigu.
Dukumentiga BBC-da ayaa
qeexaya sida Wallace uga baxay shirka isagoo loo dammaanad qaaday in Ruushku
aanu ku soo duuli doonin Ukraine, balse labada dhinacba waxay ogaayeen inay
been tahay.
Wallace waxa uu ku
tilmaamay " cagajugleyn ama awood muujin" wuxuuna sheegay in ay ka
dhignayd sida: "Been ayaan kuu sheegayaa, waad ogtahay inaan been
sheegayo, waana ogahay inaad ogtahay inaan been sheegayo, hase ahaatee been
baan kuu sheegayaa."
"Waxaan u
maleynayaa inaad ula jeeddo 'waan xoog badanahay," ayuu yiri Wallace.
Wallace ayaa sheegay in
beentaasi ay xaqiijisay malihiisii ahaa in Ruushku uu ku soo duuli doono
Ukraine.
Marka uu shirka kasoo
baxay, waxa uu xusay in taliyaha guud ee ciidamada Ruushka, General Valery
Gerasimov, uu ku yiri "mar dambe nalama bahdili doono".
In ka yar laba
toddobaad ka dib, Febraayo 24, iyada oo taangiyada ay ka soo gudbayaan xadka,
ayuu Johnson helay wicitaan ka yimid madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy
saqdii dhexe ee habeenkii.
"Zelensky wuxuu
ahaa mid aad iyo aad u deggan," Johnson ayaa xusuustay waqtiyadaas.
"Laakiin wuxuu ii sheegay inay meel walba ka weerarayaan."
Johnson wuxuu sheegay
inuu u soo bandhigay inuu ka caawiyo hogaamiyaha Ukraine inuu u qaado meel
nabdoon, "Ma uusan aqbalin dalabkan. geesinimo ayuu ka doortay,” ayuu yidhi.
BBC