Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Arrin Halis Ku Ah Shacabka

0
Saturday January 28, 2023 - 09:45:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1479
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Arrin Halis Ku Ah Shacabka

    "Marka talaabo laga qaado ee la asturana, waxa ay helayaan suxufi iyo siyaasi igu shubo ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Marka talaabo laga qaado ee la asturana, waxa ay helayaan suxufi iyo siyaasi igu shubo ah"



Hargaysa (HWN) Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ayaa shaacisay arrin halis ku ah shacabka Somaliland oo daawooyinka la xidhiidha.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda Ganacsiga Somaliland Cabdirashiid Ibraahim, ayaa sheegay in ganacsatada daawooyinka Somaliland ay waddanka keenaan daawooyin halis ku ah Caafimaadka oo macmal ah.

 

"Kuwa aan ummadooda u naxayn ee ganacsatadana magaca ka kharibayaa waxa ay marayaan heer ay xataa DAAWOOYIN-kii Ganacsiga dalka loo keenay ee saxda ahaa ay inta ay India & China la tagaan iyadoo FAKE ah ay dalka keenaan. Kuwo badan ayay talaabo ka qaaday Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiisku.

 

Marka talaabo laga qaado ee la asturana, waxa ay helayaan suxufi iyo siyaasi igu shubo ah oo aan waxa ay qorayaan xogogaal u ahayn. Haddii mukharibiinta Ganacsiga ee alaabtooda FOOJARIGA ah laga joojiyay is asturi waayaan - la asturi maayo ee waa la baahin doonnaa xogtooda.

 

In meel looga soo wada jeedsado mukharibiinta Ganacsiga ee magaca ka dilaya ganacstada dalka isla markaana sumaynaya ummada waxa ku jira bad-baadada dadkeena iyo ajar aakhiro iyo adduunkaba ah.”


Loading...
Loading...