Hindiya Oo Laga Soo Saarey Talaalka Sanka Laga Qaato Oo Covid19 Lagula Tacalo
Hindiya ayaa ansixisay
tallaalkeedii ugu horreeyay oo Covid-ka sanka laga qaadanayo ah.
Waxaa sameysay
shirkadda Bharat Biotech. Talaal iNCOVACC, ayaa waxaa loo isticmaalaa qaab
dhibic ah, waxayna keeneysaa kicinta difaaca unugyada safan daloolka sanka.
Bishii Sebtembar ee
sanadkii tagay ee 2022-kii, Shiinaha ayaa wuxuu oggolaaday tallaal neef ah oo
Covid ah, oo lagu maamulo qaab buufin ah.
Saynis yahanadu ayaa
waxay sheegeen in tallaalada sanku ay qofka siin karaan difaac dheeraad ah
xuubka sanka iyo marinnada hawada sare, halkaasoo cudurka safmarka ee Covid19
caadi ahaan uu ka galo jirka.
Kooxaha cilmi-baarista
ee UK iyo US, ayaa sidoo kale baarayay tallaalada sanka lagu buufiyo.
Bishii Nofembar, qeybta
dalka Hindiya u qaabilsan dhanka hubinta dawada, ayaa oggolaatay isticmaalka
talaalka iNCOVACC, sida qiyaas xoojin u ah dadka qaatay laba talaal oo kala ah
Covishied ama Covaxin. Labadan tallaal ayaaa ah Hindiya gudaha gudaheeda kuwa
ugu waa weyn, loona qaato xaaladdaha deg degga ah.
Bishii Disembar, ayaa
waxaa u ansixisay qeybta dawada talaalkani, sida tallaalka aasaasiga ah, iyo
tallaalka xoojinta ee xiga ee dadka waaweyn.
Tallaalku wuxuu ku kici
doonaa 800 rupees ($ 10; £ 8) markiiba isbitaallada gaarka loo leeyahay, iyo
325 rupees halkiiba isbitaallada dowladda, waxaana ballansan lagaga qabsan karaa
barta internetka ee dowladda. Laba qiyaasood waa in la qaataa 28 maalmood
gudahood.
BBC