"Xukuumada Somaliland Waa Mid Habayac Ah Oo Huruda" Siyaasi Nuura Diin.

0
Friday January 27, 2023 - 19:29:11 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xukuumada Somaliland Waa Mid Habayac Ah Oo Huruda" Siyaasi Nuura Diin.

    "Marka la eego xiliga ay ku soo beegantay abaabulka iyo shaqaaqada Laascaanood"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Marka la eego xiliga ay ku soo beegantay abaabulka iyo shaqaaqada Laascaanood"



Hargaysa (HWN) Siyaasi Nuuradiin Diini oo kamid ah aqoonyahanka Somaliland ee inta badan ka hadla xaalada Somaliland ku sugantahay ayaa xukuumada Muuse Biixi ku dhaliilay mooganaanta aanay xil iska saarin waxa ka dhacaya dariskeeda, sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.

 

Nuuradiin ayaa intaasi ku daray in xaalada Laascaanood ay tahay arin la qorsheeyay , qoraalka siyaasiga ayaa uqornaa sidan:-

 

"Maansoor Hotel Berbera ayaanu maalin isku aragnay niman Kiiniyaan ah oo soo booqday Dakeda Berbera iyo Madaarka Berbera xiligaasi muu jirin Free zoneku se qorshihiisa ayaa lagu jiray, waxaanu weydiinay ka warama Berbera? si kooban waxa ay u yidhaahdeen meeshan waxa ka soo socda tartan weyn marnaba maanu filayn in sidan loo qaabeeyay, laakiin waxa ka maqan Hoteelo waa weyn oo casri ah lana seexdo lagana cunteeyo iyo guryo casri ah oo la dego "guest house".

 

wixii ka dambeeya 10ka bisha Feb.ee fooda inagu soo haysa, Ciidamada Maraynkanka iyo xulufadiisa Geeska Africa waxa ay dhoolatus Military ku samaynayaan Berbera,  taas oo ka dhigan in Berberi saldhig u noqon karto quwada maraykan ee Geeska Africa, talaabadani waa mid soo jiidasho leh si weyna looga warami doono xiisaheedana leh. Somaliland aan haysan aqoonsi in lagu qabto dhoolatuskan Maraynkan ku hoggaaminayaa waa fursad taariikhi ah keenina karta aqoonsi iyo xidhiidho caalami ah.

 

Marka la eego xiliga ay ku soo beegantay abaabulka iyo shaqaaqada Laascaanood waa mid la doonaayo in lagu wiiqo siyaasada arimaha dibada Somaliland ee kor u socota, waxaanay u muuqataa talaabo lagu carqaladaynaayo waxa Berbera ka socda marka lagu eego indho duplamaasiyadeed.

 

Xukuumada Somaliland waa mid habayac ah oo huruda, waayo marna kama ay foojignaan waxa ka socda hareere heeda, sida shirkii Jigjiga, may qiimayn marxalada xaasaasigaa ee lagu jiro sida dhoolatuska Military ee Berbera, sida Qaadashada kaadhka Diwaangalinta, xalinta khilaafka siyaasigaa ee gudaha ka jira. marna umay dhaqmin sidii xukuumad qaangaadha, ee xaaleedu wuxuu noqday i iinyo siddii caruur nacnac qoriile isu diidaysa.” Ayuu yidhi Nuura Diin


Loading...
Loading...