Sudan Iyo Ethiopia Oo Ka Heshiiyey Murankii Biyo Xidheenka Wabiga Nile
Hogaamiyaha militariga Sudan, ayaa sheegay in
"Sudan iyo Itoobiya ay isku afgarteen dhammaan arrimaha ku saabsan"
biyo xireenka weyn ee Itoobiya.
Biyo xireenkan ayaa lagu muran sanaa, sida ay ku
warrantay wakaaladda wararka ee dowladda Sudan ee Suna.
Isagoo ka hadlayay mar uu Khartuum kula kulmay
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed, oo safar shaqo ku jooga
magaalada Khartoum Khamiistii, Gen Abdel Fattah al-Burhan, ayaa carabka ku
adkeeyay baahida loo qabo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya
dalalka Sudan iyo Itoobiya.
Abiy ayaa waxa uu sheegay in biyo xireenka wabiga
Niil uusan "wax u dhimi doonin danaha Sudan, balse uu ka faa’iidaysan doono
maamulka Khartoum dhanka korontada”.
11-kii bishan Janaayo, ayaa wasiirada arrimaha
dibadda ee Sudan iyo Masar waxay ku heshiiyeen "in la sii wado wada
tashiyada" ku saabsan biyo xireenka Itoobiya.
Maamulada Addis Ababa iyo Khartoum iyo Masar, ayaa
waxaa u dhexeeya muran dheer oo ku saabsan biyo-xireenka, kaasoo dowladda Sudan
iyo maamulka Qaahira ay ka cabsi qabaan inuu yareeyo saamiga ay ka helaan
biyaha webiga Niil.