Khilaafka Turkiga Iyo Sweden Oo Meel Xun Maraya & Sababta

0
Monday January 23, 2023 - 14:07:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka Turkiga Iyo Sweden Oo Meel Xun Maraya & Sababta

    " dhammaan digniinahayagu waxay ku wahanyihiin Oggolaanshaha ficilkan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" dhammaan digniinahayagu waxay ku wahanyihiin Oggolaanshaha ficilkan"


 

Ankara, - (HWN)- Turkiga ayaa dhaleeceeyay Sweden ka dib mudaaharaad ka dhacay afaafka hore ee safaarada uu ku leeyahay Stockholm kaasoo ay ka qayb ahaayeen taageerayaasha midigta-fog oo lagu gubay qur’aanka kariimka ah iyo mudaaharaad gooni ah oo ay sameeyeen dadka u dhaqdhaqaaqa Kurdiyiinta.

 

Ankara ayaa Sabtidii sheegtay inay baajisay booqashadii wasiirka difaaca ee Sweden oo ujeedadeedu ahayd sidii looga gudbi lahaa diidmada Turkigu Sweden ka hor taagan yahay xubinimada NATO. Sweden waxay u baahan tahay taageerada Turkiga si ay u gasho isbahaysiga militariga iyadoo cabsida Yurub ay sii kordhayso ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

 

Gubitaanka qur’aanka kariimka ah waxaa fuliyay Rasmus Paludan oo ah hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee Danish Hard Line. Bishii Abriil ee sannadkii hore, Paludan ayaa ku dhawaaqday Qur'aan inuu quranka karimka ah gubayo inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan taasi oo rabshado ka dhaliyay guud ahaan Sweden.

 

Iyadoo ay Boolisku oo hareeraha ka joogaan ayuu Paludan dab qabadsiiyay kitaabka Quraanka Kariimka ah, Cunsurigan Caadaystay islaam nacaybka ayaa weerar afka ah ku qaaday Islaamka iyo soo galootiga Sweden. Ilaa 100 qof ayaa isugu soo baxay meel u dhow bannaanbaxa.

 

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa si degdeg ah ugaga jawaabtay bayaan ay soo saartay. "Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarka foosha xun ee lagu qaaday kitaabkeena kariimka ah… Oggolaanshaha falkan ka dhanka ah Islaamka, ee lagu beegsanayo Muslimiinta laguna aflagaadeynayo qiyamkeena muqadaska ah, iyadoo lagu qarinayo xorriyadda hadalka waa wax aan la aqbali karin," ayay tidhi wasaaraddu.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa si weyn uga cadhooday go’aanka ay mas’uuliyiinta Sweden ku mamnuuceen dibadbaxa. "Waa tallaabo cunsuri ah, ma ahan wax ku saabsan xorriyadda hadalka," ayuu yidhi.

 

Dhowr waddan oo Carbeed - oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya, Urdun iyo Kuwait - ayaa sidoo kale cambaareeyay gubitaanka Qur'aanka.

 

"Sacuudi Carabiya waxay ku baaqaysaa in la balaadhiyo qiyamka wadahadalka, dulqaadka, iyo wada noolaanshaha, waxayna ka soo horjeedaa nacaybka iyo xagjirnimada," ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudiga ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

 

Koox yar ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee safaarada Sweden ee magaalada Ankara si ay uga dhiidhiyaan gubista qur’aanka kariimka ah. Mudaharaad ayaa sidoo kale lagu waday inuu ka dhaco Istanbul fiidnimadii Sabtida.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Sweden Tobias Billstrom ayaa ku tilmaamay daandaansiga Islaam naceybka "wax laga naxo”. "Sweden waxa ay leedahay xoriyatul qowl oo aad u xeel dheer, laakin macnaheedu maaha in dawlada Iswiidhan, ama naftaydu, ay taageersan yihiin fikradaha la soo bandhigay," yuu ku yidhi Twitter.

 

Dibad bax kale ayaa ka dhacay magaalada kaas oo lagu taageerayo Kurdiyiinta loogana soo horjeeday in Sweden ay ku biirto NATO. Koox dibadbaxayaal ah oo taageersan Turkiga ayaa sidoo kale bannaanbax ka sameeyay bannaanka safaaradda. Saddexda dhacdoba waxay haysteen ogolaanshaha booliiska.

 

Dibad-baxayaashu waxay lulayeen calamada kala duwan ee kooxaha Kurdiyiinta, oo uu ku jiro xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK, oo muddo tobanaan sano ah waday kacdoon ka dhan ah Turkiga. PKK waxaa lagu tiriyaa kooxaha argagixisada ee Turkiga, Midowga Yurub, iyo Maraykanka, laakiin astaamahooda ayaan mamnuuc ka ahayn Sweden.

 

Turkiga ayaa goor sii horeysay ka cadhooday ogolaanshaha Sweden Sweden ee mudaharaadka ka dhacay afaafka hore ee safaaradooda iyadoo ay taagan tahay xiisada ka dhalatay diidmada Ankara ee Sweden oo doonaysa inay ku biirto gaashaanbuurta NATO.

 

Wasiirka Difaaca Turkiga Hulusi Akar ayaa ku dhaleeceeyay dowladda Sweden inay ku guul darreysatay inay qaado tillaabooyin ka dhan ah "waxa ka dhacay dalkooda" iyo dibadbaxyada lagaga soo horjeedo Turkiga ee ka socda dhulkeeda. Akar wuxuu sheegay in booqashadii la qorsheeyay ee 27 January ee dhigiisa Sweden Pål Jonson inaanay dhici doonin "wax muhiim ahna aanay siin doonin".

 

Afhayeenka madaxtooyada Turkiga Ibrahim Kalin ayaa cambaareeyay dibadbaxa isagoo ku tilmaamay "dambi cad oo nacayb ah".

 

" dhammaan digniinahayagu waxay ku wahanyihiin Oggolaanshaha ficilkan oo dhiirigelinaya dembiyada nacaybka iyo Islaam nacaybka," ayuu ku soo qoray Twitter. "Weerarka lagu qaaday qiyamka xurmada leh maaha xorriyad laakiin waa waxashnimo casriga ah."

 

Wargayska Foore


Loading...
Loading...