Da'yar Reer Liverpool Ah Oo 'Lacag Lagu Siiyay Inay Dhalinyaro Kale Tooriyeeyaan'
Abaalmarinta ayaa waxaa bixiya "odayaasha" kuwaas aan doonayn inay weerrarada fuliyaan, dhalinyaro ayaa sidaasi BBC-da u sheegtay.
Eedahaasi ayaa waxaa lala xiriiriyay ugu yaraan hal dhacdo oo qof lagu tooriyeeyay.
Booliska magaalada Liverpool ayaa sheegay inay ka war hayaan inay jiraan kooxo abaabulan oo ku dhaqaaqa dambiyo kuwaas oo qulqulato kiciya si looga heshiiyo murannada dhaca.
Bayaan uu booliska soo saaray ayaanay si toos ah uga hadlin sheegashada dhalinyarada.
Hasayeeshee bayaanku waxaa lagu sheegay in kooxahan burcadka ah lagu yaqaan inay tacaddiyo u gaystaan "dhalinyarada iyo dadka jilicsan si ay u iibiyaan maandooriyayaal iyo weliba inay u adeegsadaan kicinta qulqulatooyin".
Dhalinyarada oo aanan doonayn in haybtooda la shaaciyo cabsi ay ka qabaan in laga aargoosto, ayaa sheegay: "Carruur yaryar ayaa lacag la siinayaa sidaana waxa ay halis ku galinayaan naftooda."
Wiil ayaa BBC-da u sheegay in saaxiibkii ay nafta u dhaxayso lagu bartilmaameedsaday abaalmarin £1,000 ah.
Waxa uu sheegay in koox ay weerrareen dhibanaha kaas oo markii dambe isbitaalka lagu dabiibay. Markaas kaddibna laba wiil ayaa waxa ay kala qeybsadeen abaalmarintii.
Waxa uu sheegay in dadku ay toos u daawadaan - dagaal la soo abaabulay oo muran lagu xallinayo - halkaas oo dadka "lagu tooriyeeyo".
Waxa uu intaasi ku daray saraakiil sarsare oo kooxaha burcadka ah ayaa yiri: "Waxaan halkan ku haynaa £500 oo la siinayo cidda doonaysa inay wax sameyso."
"Dadkaas waa ay sameynayaan waxa loo diray sababtoo ah waxa ay moodayaan, haddii aan sidaas sameeyo, haddaba waxaan helayaa lacago badan sidoo kalana aad ayey ii qadarinayaan odayaasha."
Sanadkii la soo dhaafay booliska Liverpool ayaa waxa ay wajaheen weerraradii ugu badnaa ee toori lagu gaysto kuwaas oo aad sare ugu kacay gaarayna 35%, sida lagu sheegay shax rasmi ah oo soo baxday.
Ciidammada ayaa diiwaangeliyay 1,231 fal dambi oo 2018 lagu gaystay mindi.
Alan Walsh, oo ka shaqeeya arrimaha dhalinyarada sidoo kalana horkacayaa olole ballaaran oo loogu magac daray Ragga Dhabta ah Mindiyo ma Qaataan, ayaa waxa uu sheegay inuu "weli ka walwalsan yahay" eedaha ah inay jiraan lacago abaalmarin ah.
Kooxaha kale ee burcadka ah ee ku sugan Liverpool ayaa waxa ay dhawaan u xaqiijiyeen Walsh inay jiraan kiisas noocaas oo kale ah.
"Oo waxay gaartay heerka ah in dib loogu laabto dagaalo," ayuu yiri. "Meesha lagu dirirayaa waa waddooyinka haddana ma waxaa halkaas diyaar ku ah abaalmarinno?"
James Riley oo hore u ahaan jiray sarkaal kormeera dad horay dambiyo u soo galay oo la dhaqancelinayo, oo waxa uu Liverpool ka soo shaqeeyay 18 sanadood waxa uuna carruurta baraa halista in lagu xirmo kooxaha burcadka ah, waxa uu sheegay arrinta abaalmarinta waxaa weligeed lagu xiriirin jiray dambiyada hubka lagu gaysto ee ka dhaca magaalada.
Hasayeeshee isbadel ayaa dhawaanahan arrintaasi ku yimid oo qof ayaa isticmaalaya oo mindi dad ku weerraraya, ayuu ku daray.
Mid ka mid ah sababaha ugu waa weyn ee abaalmarinta loo bixiyo ayaa ah in madaxda kooxaha burcadka ah ay doonayaan inaanan la ciqaabin, Mr Riley ayaa sidaasi sheegay.
"Odayaasha ayaa doonaya inay iska fogeeyaan waxyaabaha dhacaya sababtoo ah ma doonayaan in la xiro.
"Ma doonayaan inay faraha la galaan waxyaabo xunxun - oo waxa ay og yihiin inay joogaan da'yar wixii la rabo sameyn kara."
Todobaadkii la soo dhaafay shaxda ayaa muujiyay in sanadkii la soo dhaafay in 22,041 mindi ama hub lagu diiwaangeliyay England iyo Wales - taas oo ah middii ugu sarreysay tan iyo 2010.
Mid ka mid ah shantii qof ee la soo eedeeyay ayaa waxa ay da'doodu u dhaxaysay 10 ilaa 17 sanadood, sida laga soo xigtay Wasaaradda Cadaaladda.
BBC.