Askar Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Dil Iskugu Gaystay Magaalada Hargeysa Iyo Sababta Isku Keentay.

0
Monday June 17, 2019 - 23:02:02 in News by
  • Visits: 9692
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Dil Iskugu Gaystay Magaalada Hargeysa Iyo Sababta Isku Keentay.

    Askar Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Dil Iskugu Gaystay Magaalada Hargeysa Iyo Sababta Isku Keentay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askar Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Dil Iskugu Gaystay Magaalada Hargeysa Iyo Sababta Isku Keentay.


Hargeysa(HWN):-Laba askari oo ka wada tirsan ciidamada qaranka somaliland ayaa goor dhawayd dil iskugu gaystay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.


Warar rasmi ah oo ay shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews heshay ayaa xaqiijiyey in laba askari oo ka mid ah ciidamada qaranka somaliland ay rasaas isku waydaarsadeen agagaarka xanaanada TB-da ee degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, rasaastaas ayaa keentay in mid ka mid ah askarta uu dhaawac culus oo uu u geeriyooday soo gaadho, halka askarigii kalana ka baxsaday goobtii uu dilka ku gaystay.

Image result for war deg deg ah


Sidoo kale wararka ayaa sheegay inaan wali gacanta lagu dhigin askariga dilka gaystay, waxaana askariga la dilay lagu magacaabi jiray Ina Daadays, halka askariga dilka magaciisa lagu soo koobay Dacar.


Taliska guud ee ciidamada qaranka somaliland ayaan ilaa hada ka hadal falkan dhacay, iyada oo maydka askariga dhintayna la geeyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.




Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Hadhwanaagnews.,com
Loading...
Loading...