Soo Koobid buuga la dhaho Hal Shay; Runta yaabka leh ee ka dambaysa natiijooyinka aan caadiga ahayn.

0
Wednesday January 11, 2023 - 14:45:24 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soo Koobid buuga la dhaho Hal Shay; Runta yaabka leh ee ka dambaysa natiijooyinka aan caadiga ahayn.

    Wax walba si isku mid ah iskuma khuseeyaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax walba si isku mid ah iskuma khuseeyaan.

Buuggan, Keller waxa uu sheegay in ay jiraan hal shay oo ka dambaysa qof kasta ama urur kasta oo guulaystay.


Markaad fahamto ee aad isticmaasho habkaas, waxaad heli doontaa hab aan caadi ahayn oo aad ku noolaan karto iyo nolol aan caadi ahayn ood ku noolaan doonto.


Guushu waa taxane, balse maaha wax hal mar la qaban karo. Diirad saarku waa arrin go’aaminta waxyaabaha aadan samayn doonin. Laba bakayle hadaad baacsato isku hal mar ma wada qaban doontid hal mar. Xoog u fikir laakiin waa in aad muhiimada siisaa hal shay.



Saddex jumladood oo kale oo buugu taaban doono ayaa jira iyaguna : inaad Hal shay xooga saarto ayaa ah habka ugu wanaagsan ee aad ku heli karto waxaad rabto. Guushu waa natiijada ka-fiirsashadaada oo lagu soo koobo hal shay.


Guushu waxay u dhisan tahay si isdaba joog ah, hal shay markiiba.

Sidoo kale shan fikir ayaa ku jira buuga iyaguna oo noqonaya sidan :-

- Wax walba si isku mid ah iskuma khuseeyaan.

- Waxqabadyada badani waa been.

- Anshaxu waa natiijada caadada.

- Awooddu waa kheyraad xaddidan.

-Arrimaha weyni waxay leeyihiin dhan xun.


1. One thing:- (Hal Shay) hal shay ayaa ah habka ugu wanaagsan ee aad ku heli karo waxaad rabto. Meeshii Keller uu guulo waaweyn ka gaadhay, waxa uu ku soo koobay hal shay guushiisa, halka uu guulihiisi kala duwanaa uu , diiradda saaray uun hal meel .


Marka aad rabto fursadda ugu fiican ee aad ku guulaysan karto wax kasta oo aad rabto, habkaagu waa inuu had iyo jeer ahaado isku mid. Samee wax yar oo joogto ah ka dib filo wax weyn.


Waa in la ogaadaa in natiijooyinka aan caadiga ahayn ay si toos ah u go'aaminayaan si cidhiidhi si uu u Samaysmo diirad saarkaagu. Waxaad u baahan tahay inaad wax yar samayso si aad saamayn badan u yeelato halkii aad samayn lahayd waxyaabo badan oo waxyeelo leh.


Tusaalaha aan ka soo qaadan doono hal shay qabatinkiisa waxaa inoogu filan Bill Gates; Wuxuu lahaa xiiso ku aadan barashada xirfada kombuutarka , tanina waxay ku hogaamisay inuu noqdo mid ku hogaansan hal barnaamij xirfadeed dhanka kombuyuutarka ah .


Markuu ahaa dugsiga sare ayuu ku shaqo bilaabay xirfadiisii , taas oo keentay inuu ugu dambayntii noqdo aasaasaha shirkada microsoft , shirkadiisii waxay xooga saartay horumarinta kombuutarada nooca Altair 8800 taas oo bil gate ka dhigtay 15 sano oo xidhiidh ah gudihii ninka ugu taajirsan adduunkan, markuu da’ noqday bill gate isaga iyo xaaskiisu waxay diirada saareen kicinta aasaasida foundation dhibaatooyinka adag ee adduunka wax ka tari doona , 


waxbarashada iyo caafimaadka, ula jeedka ay u aasaaseen eey lacagtooda uga maalgaliyeen wuxuu daaranaa hal shay barnaamijka caafimaadka caalamiga ah wuxuu ahaa hadafkiisu barnaamijkan isticmaalka tiknoolijiyada iyo sayniska si loo badbaadiyo nolosha wadamada saboolka ah, si ay taasi u hirgasho waxay sameeyeen hal xal ooy ku baadigoobayaan xal u helida dhimashada ay keenaan cudurada faafa, xalkay la yimaadeene wuxuu ahaa tabaruc talaal. Maxaa yeelay tani waa mida ay lacagtooda ugu badan ku bixiyaan si ay xal ugu helaan diirad saarkooda.halkan waxaan baranay hal shay ood xooga saarto in uu ku sii geyn doono ka xiga horumarkuna sidaas ayuu iskugu xig xigaa iyo guushuba.


WQ Abdinasir Mohamed Ismail

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...