Puntland Oo Soomaaliya Ka Go'day? Yaa Somaali Ku Dhib Ah? Maxay Puntland Doonaysaa? Maxaa Ka Maqan?
Puntland Waxay Ku Dhawaaqday In Ay Ka Go'ayso Dawlada Federaalka Ee Soomaaliya.
Maxaad Sababay?
Waxa Heshiis Ku Gaadhay Maamul Goboleedyada Soomaaliya Oo Dhan In Ay Distuurka Qabyo Qoraalka Ah
La Soo Afjaro Oo Laga Gudbo Oo La Ansixiyo Distuurkii Dalka Soomaaliya Lagu Maamuli Lahaa Ee Kama Danbeysta Ahaa Oo Dadka Gobolada Afti Looga Qaadi Lahaa.
Waxa Heshiiskaas Ka Hortimi Maamul Goboleedka Puntland Oo Tidhi: Lama Ansixin Karo Distuurkaas Oo Afti Looma Qaadi Karo Waayo?
Inta Somaliland Maqan Tahay Iyo Inta Aan Gobolada Ssc ( Sool Iyo Sanaag Iyo Cayn) Loo Aqoon Sanayn In Ay Ka Mid Yihiin Puntland Oo Distuurka Lagu Qoro
( Waxay 3-Daa Gobol Ka Mid Yihiin Puntland) Puntland Waxa La Sameeyay 1997 -Kii
Somaliland Waxay Xornimadeedii La Soo Noqotay 1991-Kii.
Xukuumada Viila Somaliya Ka Talisaa Iyo Maamul Goboleedyada Kale
Arinkaas Way Diideen Oo Wax Suurto Gal Ah Maaha Ayay Taagan Yihiin. .
Waayo? Goboladan Ay Sheeganayso Puntland Waxay Ka Mid Yihiin Dawlada Somaliland Iyo Xuduudaheeda Taariikheed.
Mana Jirto Xuduuda Qabiil Ku Dhisan Caalamka Iyo Dunida.
Hadaba Puntland Waxay Uga Danleedahay Arinkaas In Ay Xuurtadii Ku Sii Haysato Siyaasada Soomaaliya Iyo Khilaaf Abuurka Siyaasadeed.
Madaxweyne Kasta Oo Soomaaliya Yimaada Puntland Khilaaf Iyo Sawaxan Ayay Muddo Xileedkiisii Kaga Dhameeyaan.
Puntland Oo Beesha Caalamka Ka Iibisa In Ay Tahay Maamul Goboleedkoodu Mid Ay Nabad Gelyo Iyo Xasilooni Ka Jirto.
Oo Inta Kale Ee Soomaaliya Aanay Ka Jirin Nabad Gelyo Iyo Xasilooni.
Puntland Oo Weliba Hubaysa Ururada Argagixisada Ah Ee Alshabaab Oo Hubka Yemen Uga Keenta Oo Ay Madaxda Alshabaab Degen Yihiin Puntland.
Waxay Puntland Ka Dagaalamaysaa In Ay Soomaaliya Ka Dhalato Dawlad Nabad Gelyo Iyo Xasilooni Ka DhalisayOo Jebisa Ururada Argagixisada Ah.
Arinkaas Somaliland Iyo Ssc Waa Qiiq Isku Qaris Ee Dhab Kama Aha.
Dilalkan Qorsheysan Ee Ka Dhaca Gobolka Sool,
Waxa Ka Dambeeya Maamulka Puntland Oo Doonaaya In Nabad Gelyo Daro Iyo Xasilooni Daro Ka Taagnaato.
Oo Aanay Diiwaan Gelintu Ka Qabsoomin Sool .
Somaliland Waxa U Dan Ah In Nabad Gelyo Iyo Xasilooni Ka Jirto Gobolka Sool ,Oo Diiwaan Gelintu Ka Qabsoonto.
Hadaba Puntland Maxaa Ka Maqan Ee Ay Doonayaan? Waxay Doonayaan In Ay Soomaaliya Iyo Maamulkeedu U Xidhnaadaan Puntland.
Xukuumada Soomaaliya Ee Xasan Sheekh Hogaaminayo Way Ka Ilbaxday Siyaasada Puntland, Waanay Fahantay.
Puntland Wax Ka Maqani Ma Jiraan , Ee Damac Iyo Idinkaa Soomaaliya U Taliya Ayay Isku Gufuleen.
Maanta Ma Oga In Qufulkii Muqdisho Jebisay Oo Ay Muftaaxii Heleen Oo Ay Gacanta Ku Haystaan Maanta Oo Puntland Laga Maarmay.
Maanta Puntland Way Khali Wareegaysaa.
Cali Maxamed Biixi [email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!