Qabiilka Sucuudiga ee Al-Khadiiri (الخضيري) Asalkoodu Yuu Yahay?

0
Tuesday January 10, 2023 - 18:59:51 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qabiilka Sucuudiga ee Al-Khadiiri (الخضيري) Asalkoodu Yuu Yahay?

    Al-khadiiri, asal ahaan sida la sheegey, waxa ay ka soo kala jeedaan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-khadiiri, asal ahaan sida la sheegey, waxa ay ka soo kala jeedaan:


Al-khadiiri, waa beel ku dhaqan dalka Boqortooyada Carbeed, ee Sucuudiga, oo aan asalkeeda iyo nasabaddeeda aan la garaneynin, oo abtirsiin aan lahayn, oo sababtaas daraadeed, aanay qabaa’illada kale, ee Boqortooyada Carbeed, ee Sucuudigu, aanay uga guursannin.

 
Al-khadiiri, asal ahaan sida la sheegey, waxa ay ka soo kala jeedaan:


1- Addoontii Sucuudiga, ee la xoreeyey iyo addoontii Ciraaq iyo dalalka kale, ee jaarkooda ah ka soo baxsatey.

2- Qof meel kale dambi ka soo galey, ama nabadgelyo ahaan daraadeed haybtiisii u qariyey, oo sidaas Al-khadiiri iskaga sheegtey.

3- Qof mihnad ama xirfad aanay bulshadu jecleyn qaban jirey, oo sidaas isaga lagu takoorey.

 
Si kasta ha ahaato’e, waa beel, asal ahaan iyo isir ahaan, ay dadkii la addoonsan jirey, ee dadkeennuna ay ka midka ahaayeeni, waa beel ay ugu badan yihiin.

 
Waxa kale, oo xusid mudan, inay rag badan, oo iyagu qabaa’illada kale, ee asalkooda iyo nasabaddoodu ay sugan yihiin ka dhashey’i, inay marka ay nafahooda, ama qoysaskooda, ama hantidooda, marka ay u baqdaan, inay qof geesi ah, oo ragannimo leh, oo Al-khadiiri ah, inay si uu u difaaco daraadeed, inay hablahooda ugu dhisi jireen, oo sidaas ay geesigaas ku qarameysan jireen; oo habkaas ay ku reer hebeleysan jireen.

 
Haddaba, haddii ay cidi in uun in ay asalkeedii iyo isirkeedii ay barato, ama la baro, haddii ay cidi in uun ay u baahan tahay, wallee waa intaas yar, ee waalidiintood la soo addoonsadey, ee la Carabeeyey, ee la Ahlu-Beyteeyey, ee Dirnimadoodii la illowsiiyey, ee dadkoodii iyo dalkoodii la nacsiiyey; ee wallee in aanay innagan Isaaq, ee Direed, ee Soomaaliyeed, wallee in aanay ahayn; oo aanay ahayn, oo aanay ahayn.

 
Tixgalin mudnaan badan leh.

Maxamed Sheekh Daahir


--------------------------------------------------------------------------------------------------------------

F.G.

Sida Sucuudiyiintu ay rumeysan yihiin, Al-Khadiiri iyo Al-Qabiili, way kala duwan yihiin.

1- Al-Khadiiri (Waa qof aanay asalkiisa iyo nasabaddiisu aanay sugneyn).


2- Al-Qabiili (Waa qof asalkiisa iyo nasabaddiisu ay sugan yihiin).
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...