Somaliland Ma Isaaq Uun Baa Mise Waa Xuduuddii Ingiriisku Gumaysan Jirey (Abdi-Shotaly)?
Reerka Isaaq Ma garanaayo wuxu doonaayo ee waa
oodaa rogan iyo in uu sidda carsaanyadda kolba dhan u cararo, xaal-kooduna wuxu
noqday in ay kolba ka jifadoodu ay hayso maamulka xaaraan iyo xalaal kuu doono
ha ku yimaado'e, ay hadba intaasi dadka ku maaweeliso dawalad baa jirta,
laakiin aanay ka fekerin cawaaqib xumidda iyo cidhbta ay keeni karto. aniga oo
raba in aad ka jawaab-taan su'aasha ku qoran cinwaanka sare ee maqaalkan, waxay
sheekadu tahay ama u eeg-tahay maah-maah-dii ahayd " Xamiido nin way
rabtaa haab-keedna ma hayso" Sababta aan sidaas u leeyahay waxa ay tahay,
waxa aynu ku af-goobaad-sanaa dawlad baanu rabnaa iyo in nala ictiraafo baanu
rabnaa, mana hayno qaabkii ay sidaasi ku iman lahayd, waayo qabiil baanu wax ku
xukumaynaa ah anaa kaa mudan, sidda aynu u dhaqmaynaa aad bay u kala fog yihiin
dawlad-nimo, kumana laha sal iyo raad qaab dhismeed-keedda, ee micnaha runta ah
ee qaranimo ma hayno, anaa kaa mudan mooyaane. Sidaas oo ay tahay, baa hadana
been iyo khiyaali ay reer hebel hoosta kaga ladhan tahay aynu isugu sheekaynaa,
runtana iyo xaqiiqdda marka la sheego aan ka naxnaa, haddii aynu nahay reer
isaaq Ma jirto wax aynu u ogolahay beelaha daafaha (Waa Harti Waa Warsan-Geli
iyo Dhulbahante'e) Samaroon,Ciise iyo weliba reerka gabooye gobol walba dega,
misna waxa aynu wax ku siinaa fara-guud-kood oo mid inoo nacamiya sidda "
Kooraysae, Indho-Indho, Saylici" oo iyana aan wax ugu filayn, idinkana
waxba aan idiin qaban karin baad weliba u adeeg-sataan,
Beri hore baa ay
qorshey-seen in aynu eryno beelaha daraf-yadda, waxana marag u ah aan markhaati
doonayn sidaas, hadalkii uu hoe u yidhi askarigga la yidhaaho "Nuux Mijo baasto"
Kaas oo ahaa " Warsan-Geli ha iska tago, awelba mushahaaro bilaash ah bay
guranayeene" Weliba ha raaceen qaar kale, isaga oo ku dhego hadlaaya
" Dhulbahante" Akhristaw maanta baa la hayaa xaqiiq-ddii, oo aanay
qof-naba caad ka saarnayn, haddii aan la iska indho tirayn, oo wixii aan hore u
eednay, ee ahaa reer hebel lagu damba-basayn, mid wax ka jiraan maaha magaca la
isu maqaar sarayaa ee ah "Somaliland" Horta halkee buu ka jiraa ee
laga raadiyaa? Sawtan ay labadda askari ee kala ah " Raggii ma adigaa ka
hadhay iyo Geenyo-Shaaximani" iyo gola-hoodda jaariya-daha oo uu ka soo
xushay beel walba kii ugu liitay, siidda Kooraysane, Bakhti-dhego weyn, Saallo
xero keen ( waa Cali-mareexaane), kitaab yare, Xinif, Hiliblaha Xasan-shahar,
Gaafaadhi, Ina Cali bile, Buuni, ina caga-weyne, ina maama malyuun iyo kuwo
noocaasi ay itaal baaska hor mood u yihiin. intaas oo isu kaashatay saw cidi
kumay jibinin caloosheeddii, ma meel laga soo qabto maanta oo lagu badbaadin
karo baa jirta, maah-maah kale baa waxay ku odhanaysaa " Karis xun iyana
wax ku la' " hadba ciddii wax ku
qabtay-ba ha ka daateen, oo ha ku waayeen, cayn-kaas ay tahay maanta yaa
gaadh-siiyey oo loo eersanayaa " Somaliland-tii sidda hilaaca mar inoo soo
martay" Aan runta idiin sheego'e. wax burburiyey labadda askari ee aan kor
ku Carabaabay iyo inta weli sacabka ka daba garaacaysa ee,xaq darro isku
raacaysa, cuno doonka ah,kuwa qabyaalad ugu daba-ruxaaya iyo anakaa haysana ee
ha ka soo maaleen, waa tii ka daaya la idinka waayey sidaas kuma dhasho'e. Waa
su'aale ka jawaaba, Maanta halkee xaalku marayaa? Dawlad ma tihiin mise
qabaa'il baa meesha ku hirdamaaya? Weedh hore loo yidhi baa waxay ahayd "
Mar haddii ay wanaaggii horiyo, weheshiiggii diiday, saw inan dantay waariyaa
igu wanaag maaha? Bay leeyihiin beelaha darafyadu, waana dhab oo waxa aynu
diidnay siddii ay ku sii jiri lahayd Somaliland, ee ahayd dimuqraadiyad loo
siman yahay, ee hadaba ha ku anfacdo anaa Isaaq ah, oo keligay ka diig ah,
sidaan doonana ka yeelaaya.
Somaliland wax ugu
dambeeyey magaceedda Madax-weyne Axmed Siilaanyo, kuwa maanta ku jira "
Xaafad-Tooyadda" Uma qalmaan in loogu yeedho Madax-weyne iyo
mujaahido-toona, waa tuug u soo shaqo tegay isku dirka iyo kale erinta
bulshadda. kuna tallo galay baabi'inta Somaliland. Hadal waa run kama hayse, ma
jirto wax aynu imika ugu yeedhnaa Somaliland, waayo Warsan-geli horuu u tegay,
shalay-na dhulbahante baa cidhibta ku dhuftay, markii la dhayal saday dhiiggii
shucibka, siddii hore-ba uga dhacday Hargeysa iyo burco, ee rag ay askariga
inaadeerkii uu xiniin-yaha ka saaray, xabsiga laga buu xiyey 23 hablood, 7 qof
ku dhinteen, 45 kale laga soo xidhay Hargeysa, Burcana 63 dhalin-yaro ah. imika
laascaanood 175 qof baa lagu dilay oo aan la is weydiin, 92 kale-na waa la
xidh-xidhay, inta qarsoon baa badan ee aan la ogayn, Awdal State-na way ku
xigtaa iyo Salal oo Ciise ahi, Saylacna waxa qaadanaaya Ka sunta u soo dhiiba
Askariga ee Ina Geelle Basal, ee maxay sheegayaan kuwa ku andacoodda Wax
Somaliland la yidhaaho? taasi waxay dhashay in markii xaqii la diiday, ee
munaafaqad, been, boobka la isku gargaaray iyo gardaro joogta ah, reer hebel
nacayb iyo anigaa mididda daab-keedda haysta ee kaalay wax iga qaad. in ay
beeshii 2aad ( waa dhulbahante'e) ay go'aan ka gaadhaan, in aanay wax dambe
isugu jirin beesha Isaaq. Arin-taasi waxay si lama filaan ah u soo dede-jisay
burburkii Maamulkii aan la ictiraaf-sanayn, mar-keedda horena beerka ku
gurguura-naysay caga la'aan aweed, baa shalay-na adhaxdda ka sii jabtay. waxan
ku soo af-meeray, Isaaq ha is waydiiyo waxa ay yidhaahaan kaadida-yadda baanu u
soo cabnay, halka ay martay? Iyo cidda geysay? hadaad ku farxaysaan iyo haddii
aad ka xuntiin-ba, Somaliland dambe ma jirto.
* N.B Mar Haday
Wanaaggii Horiyo, Weheshiggii Diiday, Saw Inan Dantay Waariyaa Igu Wanaag Maaha
( Waa Hadalkii Beelaha Daraf-yadda Weeye)!
Qore;- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!