Seyladihii Dadkeenna Lagu Kala Iibsan-jirey (Xeebaha Somaliland)

0
Monday January 09, 2023 - 11:15:36 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Seyladihii Dadkeenna Lagu Kala Iibsan-jirey (Xeebaha Somaliland)

    Waayadaas uu ganacsiga addoontu uu xaamiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waayadaas uu ganacsiga addoontu uu xaamiga



Soo ugaadhsiga iyo soo qabqabashada dhibbanayaasha, oo qoysas iyo carruur leh, oo doobab iyo gashaantimo leh, ka dib, dhibbanayaasha waa la soo wada safi jirey, oo waa la isku soo wada xidhxidhi jirey, oo waa la isku wada xidhiidhin jirey, oo si arxan daran, oo silic iyo saxariir ah, ayaa lagu jid marin jirey, ilaa seyladda ugu dhow, ee dakad leh, sida Seylac, Bullaxaar, Berbera, Ceeldaraad, Xiis, Meydh iyo Laasqorey.



Dabatada iyo dillaaliinta baas, ee dadkeenna sidaas u dulleyn jirtey, ee Carabta ka iibin jirtey’i, nasiib darro, kuwo inala dub iyo diir ah, oo Carab iska yeelyeel ah, oo Saada isku sheegsheeg ah, ayay ahaan jireen.


Tabta xoola-dhaqatadu ay xoolahooda u suuq geeyaan, ayay dabataduna ay dhibbanayaashooda u seylad safrin jireen, oo ay dillaaliinta ugu wareejin jireen, oo Carabta looga iibin jirey; oo ilaa Khaliijka loogu sii xarraasi jirey.


Ganacsigaas Carbeed, ee dhagareysnaa’i, muddo dheer ayuu socdey, oo xataa markii ganacsatadii addoonta, ee Reer Yurub ay suuqyadoodii hore ka xidhmeen, ee ganacsigii addoonta laga mamnuucey, iyagaas baas, ee Carbeed, ayaa Reer Yurub jid cusub u furey, oo iyaga ayaa dadkeenna Yurub u iib-geyn jirey. Kaaga daranta, si aan loo fahmin, ayay xeeladihii hore u baddaleen, oo nidaam cusub, oo maldahan, oo sidii bandhig ah, ayay qoysas badan ku iib-geeyeen.


Waayadaas uu ganacsiga addoontu uu xaamiga ahaa, dhammaan dakadaha xeebteennu way cammirnaan jireen, oo aad ayaa loo deggenaan jirey; oo aad ayaa looga taajiri jirey. Laakiin markii dambe, ee ganacsiga adduuntu uu xidhmey, ee doonyihii badnaa’i ay wada joogsadeen, ayay ugu horreyn tujaartii wada kacdey. Ka bacdina, busaarad xun, oo dakadihii ka dhacdey daraadeed, ayaa marsooyin badan looga wada qaxey, oo badanka magaalooyinkoodiina ay u wada u dumeen; oo ay wada aasmeen.


Sidaas darteed, dadkeenna aqoonta u leh aasaartu, waa inay magaalooyinkaas aasmey ka hawlgalaan, oo ay qodaan; oo ay baadhaan – bi idni Allaah.


Tixgalin mudnaan badan leh.

Maxamed Sheekh Daahir
[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...