Soomaalidu wey bugta Basteed weeyoo la hubi'
Soomaalida wuxuu Eebbe ku manaystay dal hodan ku ah cimiladiisa iyo khayraadkiisa dabiiciga ah. Kumase mannaysan dad yeesha xigmad iyo daggani ay si buuxda uga faa’ideysan lahaayeen. Dalkan waxaa loogu sed-buryey xeebta ugu dheer Africa.
Kumanaan meyl oo ah bed ay dhex ceegaagaan khayraad aan la dhamayn karin. Waxaa loogu deeqay wabiyaal sannadka oo dhan butaacaya iyo dhul -beered wax kasta ka bixi karaan. Waxaa loogu roonaaday xoolo nool oo Kadinkii aad ka gashaba dhooban.
Waxaa sahammo badan lagu hubiyay in ay dhulka hoos jiifto macaadin nuuc walba ah oo ay ka mid yihiin batrool fara badan. Yuranyomtka qaaliga ah iyo gaasta dabiiciga ah.
Wuxuu lee yahay cimilo sannadka oo dhan dhaxdhexaad ah oo aan lahayn dhaxan iyo kuley badan midna.Wuxuu ku yaalaa meel juquraafi ahaan istaraatiji ah, halkaas oo ay ku yaalaan marino badeed oo dunida muhiim u ah.
Maxayse kuugu taal.Mee dadkii ka faa’ideysan lahaa! Waxaas oo nimco ah ayaa maalin kasta macluul loogu dul dhintaa.
Dalka barwaaqdaasi taal ayaa dadkiisii, carruur iyo ciroolaba ka carareen, carri ayan garaneyna u qaxeen, manta dunida oo dhami ka cabaneysaa cayrinamada ay kula meehanaabeen! Cududii qayraadkan ka miro-dhalin lahayd waxaa la isugu dhiibay hubka wax gummaada.
Waxa loo hor-kacay in ay is-gubaan. Maskaxdii hormarka ka fekeri lahayd halaajin ayaa loo weeciyey.Waxaa lagu mashquuliyay xinta qabyaalada, xukun-doonka indhala’ iyo u xusul-duub xoolo lagu helon jid xaaraan ah.
Taas ayaa laga dhigey hab nololeed lagu tartamo, halkii lagu tartami lahaa hindise caqli ku dhisan iyo hormar tacliin ku dhisan. Tartanka nuucan ah, oo ay horseedeen hogaaanka siyaasadu, markii uu sii socdba dalku haadaan buu ku sii hoobanaye, ilaa uu ka wada dhacay; dadka dadnimadiisu wey sii burburaysey ilaa uu gaadhey heer maanla’aan buuxda maryaha la dhigto, heer dunidu ku war hesho ummad wada-jir u waalatey, hoygii ay ku noolayd dab galisay, ku dhax gubaneysa , kaaga darantana aan dareemayn!
Waxaan kasoo dheehdey buuga "Dal dad waayey iyo Duni damiir beeshay” ee uu qoray
DR: Mohamed Dahir Afrax (Alle Ha u naxariisto)
Muxudin Nur
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!