Reer Somalilandow ha loo soo duceeyo walaalaheena reer Sool.
Qof kasta oo ka hadlay xaalada Laascaanood oo aan si adag u cambaareyn xasuuqa Muuse Biixi, Maxamed Kaahin iyo Ganeral Taani ka wadaan Laascaanood waxba ma sheegin.
Waxaan arkeyney dad badan oo reer Somaliland ah oo madax dhaqameed iyo waxgaradba leh oo ka hadlaya xaalada ka taagan Laascaanoodlaakiin mar kaliya aan soo qaadin xasuuqa ay ku wadaan Muuse Biixi iyo kooxdiisu dadka reer Sool, dhamaan dadkaasi waxay u ekaayeen kuwo aan ka run sheegeyn waxa ay ka hadlayaan .
Xadiiskii Nabigu NNKH wuxuu ahaa walaalkaa u hiili hadduu gardaranyey iyo haddii laga gardaranyeyba, sidaas darteed, dhamaan dadkaasi waxay la midyiin dad hadlay oo aan waxba sheegin.
Laascaanood waxaa ka dhacay xasuuq aan loo meel dayin. Dad dhagaxaan tuuraya ayaa Gen. Taani dhashiike la dhacay isagoo u arkayey dad xukunkii ina adeerkiis ku soo duuley. Waxa dhintey dad aan ka yareyn 10 Qof, waxaa dhaawacmay in ka badan 40 qof, waxa xidhxidhan dad aan xisaab lahayn.
Wasiir Koore oo hadlayey si uu u difaaco Muuse Biixi, mar kaliya ma soo qaadin tirada dadka dhintay, kuwa dhaawacmay iyo kuwa la xidhxidhay midna.
Koore iyo kooxda ka soo jeeda Sool ee dhiiga dadkooda ka doortay Muuse Biixi , marna lagama fileyn inay ka hadlaan xasuuq ay qeyb ka yihiin , laakiin waxa layaab noqotay dadka kale ee reer Somaliland ah ee tacsida kaliya la soo istaagay saxaafada iyagoo aan ka hadlin dembiilayaashii xasuuqa geystay.
Muuse Biixi, Gen.Taani, Maxamed Kaahin iyo Dabagale, hore waxay xasuuq uga geysateen Hargeysa, Burco iyo Sanaag, maantana waa Laascaanood.
Waxay daadinayaan waa dhiigii Ilaahay xarrimey, waa dhaxal ay u dhigayaan naftooda iyo caruurtooda, waxaa hubaal ah inay Ifka ku arki doonaan iyaga iyo qoysaskooduba Jariimadaha ay galayaan intaan aakhiro la gaadhin.
TALO KU SOCOTA REER SOOL:-
Reer Soolow, hore waxa loo tijaabiyey in Keligii taliye aan lagaga guuleysan karin qori iyo xabbad, laakiin looga guuleysto mudahaardyo iyo banaan baxyo aan hubeysneyn.
Nicolae ceausescu gii Romania, Xusni Mubaarikii Masar, Zaynul Caabudiinkii Tunisia iyo keligii taliyayaal kale oo badan waxa dhamaantood xukunka ka caydhsaday dumar iyo caruur .
Waxaan maqleynaa Deni oo meelahaas ka leh waxaan difaacayaa Sool. Deni iyo reer Garoowe naf idiinma hayaan ee yaanay lugta idinla soo galin.
Reer Soolow qori ha qaadina oo dembiga ha la qeybsanina Muuse Biixi, Maxamed Kaahin iyo Gen. Taani. Caalamka iyo Somaliland oo dhan ayaa arkaya xasuuqa loo geysanayo dad shacab ah oo aan hubeysneyn. Mudaharaadka salmiga wada oo ha joojinina habeen iyo maalin, waana sida kaliya ee xukunka looga tuuro keligii taliye. Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin waxay ku faanaaninay ka dagaalameen dulmi Siyaad Barre geystay. Maanta iyagu ma ka duwanyiin Siyaad Barre.
Reer Sool waxaan kaloo kula talinayaa inay iska soo caydhiyaan Koore iyo kuwa mididinka u ah Muuse Biixi ee Shilimaadka la wareegaya.
Mar labaad waxaan reer Laascaanood leeyahay nin aan idiin fureyn yaanu idiin rarin. Iska ilaaliya faragelin debedeed, Deni iyo kooxdiisa iyo cid kasta oo rabta inay Jabhadeyn idiinla timaado. Haddii aad oggolaataan faragelin debedeed waa sida ay rabaan Muuse iyo kooxdiisu inay marmarsiiyo idiinka dhigtaan si ay idiin sii xasuuqaan.
Reer Somalilandow ha loo soo duceeyo walaalaheena reer Sool. Ninkii kheyrkii loo xiirow soo qoyso adiguna.
Naaleeye
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!