Xasuuqa Ku Socda Reer Sool Waa Guul Iyo Horumar Ay U Soo Hooyeen Wiilashooda- Koore, Indho Indho, Ataash Iyo Baashe Cade.
Wiilashii is qal qaloocin jirey markay masraxyada ka difaacayaan Muuse Biixi.
Wiilashii masraxyada ka dhaansi jirey markay mucaaridka caayayaan. Wiilashii ooyi jirey markii la yidhaahdo dalka dikteyter ayaa xoog ku haysta.
Maanta ha arkaan xasuuqa Muuse Biixi ka wado Laascaanood oo ha ku taageeraan Korneylkooda.
Hore waxaa loo soo xasuuqey beelaha garxajis oon laba ka wada wadal. Maantana waxa meydkoodu wadhanyey, baroortuna ka dhex yeedhaysaa waa Dhulbahante oo reer Soomaliland daawada yaal ka yihiin culumo iyo caamoba. Su’aasha hadda la is weydiinayaa waxay tahay waa beeshee ku xigta?
Hore waxaan u arki jirney wadaado Mikarafoonada booba oo dhaleeceeya gabdho xaflado ka heesaya, wiiggii horena waxaan arkeynay wadaad ka qeylinaya xaflad loo qabtay koobkii aduunka .
Maanta dhiigbaa rogmanaya Laamiyada Laascaanood ee xagee jiraan wadaadadii makarafoonada boobi jirey? Maxay maanta uga hadli waayeen waxa Muuse Biixi ka sameynayo Laascaanood? Ma la jiifiyaana banaanbaa? Taas macnaheedu ma aha inaan fusuqa difaacayo ee waa kee mudnaanta leh in laga hadlo dhiig daadanaya iyo gabadh heestey.?
Waxa hore loo yidhii, cudurka laga sheego galbeed gondahaaga ka eeg. Beelaha Somalilandow waxaad tihiin wada xasuuq sugayaal ee sidaas ogaada.
Qore: Naaleeye.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!