Labadda Askari Baa Ka Dambeeya Dilalka Laascaanod ( Abdi-Shotaly).
Wax ummadan u kala
qarsooni ma jiraan, wax kastaaba sabab Bay leeyihiin, Hadaba arimaha ka socdda
Magaalo Madaxda Gobolka Sool (Laascaanod). Waxa mudan in aan iska waydiino
su'aalo badan, kuwaas oo si wacan daaha uga rogaaya ficiladda ka taagan
magaaladaas iyo Halkay cidhibta ku hayaan, cidda soo abaabusha, ee akhristaw
halkan hoose ka akhri. Is weydii adigu, oo isu jawaab, si rasmi ah u axadh,
runtana ka Sheeg hadaanad adigu la qabin, kuna taageer-sanyan kuwa fulinaaya
falalkan Dilalka ah.
(1) Goorma Bay Dhacaan
Dilalku?
(2) Wakhtigee baase lagu beegaa?
(3) Maxaa loo
sibir-saaraa ee sabab ah?
(4) Maxaa loo dili
waayey Kuwa Taageera Qudhmiye ee Waddani iyo Ucid uun ku koobay?
(5) Ayaa soo qorsheeya?
(6) Cidda fuliysaa yey
yihiin?
(7) Maxaa loo qaban
la'yahay ciddii geystay falalkan?
(8) Maxaa loogu af-gobaad-sadaa,
Dabley hubaysan oo aan la Garanayn baa geystay?
(9) Ilayn Reer Sool
is-kama dileen Hal-door-kooda'e, oo waa la Garanayaa, maxaa loo qarinayaa, ee
loo sheegi la'yahay?
(10) Dilalka noocan ahi
maxay uga dhici waayeen Gobolada kale? Intaas oo Keliya su'aaluhu kuma eka, ee
ciidaas ka badan, balse aan si daacad ah uga jawaabno inta ugu muhiimsan ee aan
sare ku soo koobay. Ee ku soo dhawawe.
Waxa la yidhi "
Sakaaro xaar la arkaayo Bay aas-aas-taaye, askarta wax sidda cadceedaas u
muuqda Bay is leeyihiin cidi ma oga. Hadaan midh-midh u qaadan su'aalaha sare,
jawaaba-hoodu iga qabta:-
(1) Waxay Dhacaan oo
run ah, bal dib u eega, goorta arimo ka dhex qarxaan Maamulka askarta ee "
Xaafad-tooyadda" Iyo Is-Bahaysiga Mucaaridka.
( 2) Inta badan waxa
lagu beegaa, wakhti-yadda ay jiraan doorasho, diiwaan-gelin iyo ololaha loo
sameeyo Ururo-beenaadka Askarta guriggii Moorgan ka amar-ku-taagleeyaa, ay
dabadda ka riixayaan.
(3) Waxa loo
sibir-saaraa Mucaaridka Bay la socdaan, oo haddii aan la khaarajin, laascaanood
Qudhmiye Danbe lagu arki maayo, ee Ucid iyo Waddani baa hal-daba-go'an cidla
uga helaya.
(4) Waxa loo dili
waayey kuwa Qudhmiye u jooga laascaanood, waxa weeye Maamulka askarta ka
joogta baa 24ka saac ilaaliya.
(5) Waxa soo qorsheeya,
oo ay ku kooban tahay " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo
Shaaximan" Ma aha sideeda-ba arin beelo dhex taalla, oo ay soo abaabuleen
reero wax dhex yaalaan, haddii ay sheekadu noqon lahayd beello, waxa la arki
lahaa iyaka hubka isu guurtay si cadaan ah, tanise way ka duwan tahay, wax la
dedi Karana maaha.
(6) cidda fuli-sana,
yaan been la isu sheegine, waxa weeye askarta Maamulka ka joogta laascaanood,
maaha dablay hubysan oo iskood isu Maamula iyo reero-toona.
(7) Waxa loo qaban
la'yahay ciddii geystay falal-kan, shaki kuma jiro waayo is weydii oo ma Kuwii
soo dirtay ( Waa labadda askariye) baa qabanaya Bay Kula tahay? Weliba waxa
loogu sii daraa dalacaad iyo malaayiin
doolar haddii ay fuliyaan wixii loo adeeg-saday.
(8) Waxay ugu
af-Hobaad-sadaan, Dabley hubysan oo aan la Garanayn baa dishay, waa majaro habaabin,
ay is leeyihiin la idinku garan maayo.
(9) Dadka ay beenta ka
sheegayaan, ee Reer Laascaanood, haday cid dilayaan waxay dili lahaayeen, askar
ku sheegta u adeegta labadda askari ee aan kor ku carabaabay, ee iyaku isma ay
gumaadeen. Markii is bahaysiga mucaaridku kaga badiyey siyaasaddii qudhmiyihii
askarta, baa la bar tilmaamay-satay Madaxda Mucaaridka ee Gobolka, ma jiro qof
qudha oo laga dilay Qudhmiye kuwa u adeegta, bal dib u jaleeca inta lagu dilay
Gudaha Laascaanood, xabad ka heli maysid ah taageera-yaasha Askarta.
(10) Waxa loo dili
waayey Madaxda Gobolada kale, ee laascaanood loo calaamad-saday, waxa weeye ma
qarsoomi Karaan oo qas baa ka dhacaaya iyo Dagaal Sokeeye, ee Sool isku
baabi'i, waayo, way kaa fog-tahay oo ku soo gaadhi-maayaan colaadda aad dhex
dhig-taaye, waxad kaga baxdaa si aan loo sii daba gelin, Dabley Hubaysan bay
ahaayeen ciddii dilka geystay, waase been aan Sal iyo raad lahayn, ee kuwa
dhigay waxaas oo dhan waa askarta ku sheega Maamulka.
Markay wax dilaana waa
laga soo bedelaya Sool.
Nin Samaroon ah baa
waxa laga hayaa " Beeni maxay tari Booramaan ka imiye" Dhulbahante,
weliba reer Laascaanood waxan leeyahay, waxa idin dilayaa maaha "SNM"
Ee waa Geenyo Shaaximan iyo Raggii ma adigaa ka hadhay, ee sidaas ogaadda iskana
dhiciya oo si wadda Jir ah u xoreeya dhul-kiina,waad samayn kartaa e, weliba la
idinku ogaadh-sanaayo. Muwaadin isku soo xoori, oo Horaa loo yidhi " Biyo
gorore oo meel go'dan, bay isugu tagaane" xaqiiqdu waxa weeye, Ma Jirto
debley hubysan oo aan la Garanayn, oo wax dilaa, haday jirto Maxaa u
calaamadiyey Xusbiyadda Is-bahaysiga oo keliya? ee kuwa Qudhmiye loo layn
waayey?
Run haddii aad
doonayso, oo aanad meel iskaga baydh ahayn, maaha dhulbahante, Warsan-geli,
Gabooye, Samaroon, Ciise, fiqi-Shini iyo beel isaaq ka mid ah toona, ee waa
deydey-ga askar ku sheegta ah, oo direys kale u soo xidhaan. Si aan loo sii
raad raacin cid wax samaysay, bay hadda iyo jeer u yidhaahaan la garan maayo,
waase been-tooddii iyo waaliddii ay qaar hore oo SNM ka mid ah ku dileen, Intii
Debedda ay ku maqnaayeen, waxa ka bad-baaday oo ay jid-gooyo u sameeyeen,
Madax-weyne Axmed Maxamed Siilanyo, markuu ahaa Guddoomiyaha SNM.
* N. B Beeni Maxay Tari
Booramaan Ka Imiye!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!