Yaa Boqor u ah Habar Dugaag iyo Haada Duusha. Hab-fakarkooduse muxuu yahay?

0
Tuesday December 27, 2022 - 14:25:54 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Boqor u ah Habar Dugaag iyo Haada Duusha. Hab-fakarkooduse muxuu yahay?

    Stop wasting your time with the crows.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Stop wasting your time with the crows.



Habar dugaag marka ay kaynta joogaan waxaa ugu xarago badan, uguna geesisan Libaaxa. Ma se aha kan ugu caqliga badan ama ugu xajmiga wayn. Waxaa jira xayaawano uu ka midyahay Maroodigu, oo ka awood badan, laguna sheego in haddii la tarbiyeeyo in uu ka midyahay xayawaanka kuwooda ugu caqli badan.


Hadaba hadii uu maroodigu jidh ahaan iyo caqli ahaanba ka garaad sareeyo Libaaxa. Muxuu Libaaxu u noqday boqorka kaynta?



Jawaabta oo kooban, waxaa lagu sheegaa in ay tahay hab-fakarkooda ama sida ay labadoodu u kala fakaraan.


Libaaxu; Maroodiga waxa uu u yaqaanaa Cunto wayn oo isaga loogu talo galay. Isla markaana waxa uu raadiyaa tab iyo xeelad kasta oo uu dhulka ku dhigi lahaa, si uu cuntadaa wayn u cuno.


Maroodiguna; waxa uu Libaaxa u yaqaanaa bahal wax cuna, oo hadaanu iska celin ama aanu ka cararin dhibaato gaadhsiinkara.


Markaa Maroodigu kaynta uu libaaxu joogo, wuu ka cararaa ee kuma sii nagaado. Waana sababta uu Libaaxu kaligii boqorka kaynta u noqdo ilayn cid kale oo ka hab-fakar saraysaa ma jirtee. Sidaas darteed ayay ku maahmaahaan [ If size mattered, the elephant


would be the king of the jungle], oo macneheedu yahay; Haddii xajmi/wani macno samaynayso, Maroodiga ayaa kaynta maamuli lahaa.


Haadda/Baalalayda; Sidoo kale, si la mida sida uu Habar Dugaagga Libaaxu ugu xarago iyo xifaalo badanyahay. Haadda duushana waxaa u ugu xarago iyo xifaalo sareeya Galaydh-ka/Gorgorka (Eagle).


Waxaa jirta Haad badan oo ka awood badan Galaydhka oo duusha, laakiin xarago iyo hab-fakarkaba uu ka sareeyo. Badina Haaddu (Baalalaydu) uma soo dhawaato, waayo waxa ay aaminsanyihiin in uu halis ku yahay.


Waxaa se jira hal shimbir oo markasta oo uu Galaydhku duulyo, isku daya in uu ka dul-qadhaabto, xasharaadka iyo waxa dul saaranna Alle swc jeclaysiiyay, kaas oo ah TUKAHA.


Hadaba, marka uu Galaydh ku duulayo ee uu meel dheer ku socdo, iskuma mashquuliyo TUKAHA korkiisa ama dushiisa ka qadhaabanaya. Taas badalkeeda, waxa uu u kala furaa baadadkiisa, waxaanu isku dayaa in uu marba marka ka danbaysa kor u sii baxo. Ilaa uu gaadho meel hawada Oxygen-ta aanu TUKUHU ka qaadan karim, oo hawada caadiga ah ka baxsan.


TUKUHU marka uu Oxygen waayo, waa neef qabatoobaa, ka dibna aayar ayuu soo dhacaa isaga oo Mayd ah.


Markaa TUKAHA haku mashquulina, kaliya ka fakar in aad kor uun u socoto, isagaa ayaar soo dhiciye.


Sheekadan iyo sharaxaadda aan isku barbar dhigay Habar Dugaag iyo Hab-fakarkooda, maaha mid aan anigu alifay/sameeyay ee waa mid aan soo naqilay/ergistay, si aad cashar uga barataanna waan soo tarjumay ”. ????

????????

https://youtu.be/-nkfj3wk7eg.


" The only bird that dares to peck at an eagle is the crow. He sits on his back and bites his

neck. However, the eagle does not respond,


nor fight with the crow. It doesn't waste time

or energy on the crow! It simply opens its


wings and begins to rise higher in the heavens. The higher the flight, the harder it is

for the crow to breathe and then the crow falls

due to lack of oxygen.


Stop wasting your time with the crows.

Just take them to your heights and they'll


fade.


Cumar-sayid qolonbi.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...