HIV maahan dhamaadka nolashaada

0
Thursday December 01, 2022 - 16:24:07 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HIV maahan dhamaadka nolashaada

    Waxa lamarayaa in qof qaba virus ka uu guursan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa lamarayaa in qof qaba virus ka uu guursan


Nolasha aadanahu waa taxane wareeg ah ama hadaan sikale udhigno waa qori isku dhiib, waxa jira waxyaalo badan oo uu adanuhu kasameeyay hormar lataaban karo siguud waxa kamida waxyalahaa daweynta fahanka cudurka iyo ciribtirkiisa.

Runtii arinkaasi maaha mid fudud, dadaal iyo aqoonta aadanaha oo hormartay laguna kaabay aladaha lagubaaro cudurada iyo xitaa hadey noqon lahayd dawooyinka leh tayada sare waa guul weyn oo alle basharka kumanaystay waxaa suuragal ah cuduro badan oo loodhiman jiray sanado yar kahor in maanta dawo loohelay HIV oo ah virus kudhaca unugyada difaaca markii la eego sidii uu ahaa 1980-90-2000-


2010-2020 waxaad modaa in guulo waawayn lagagaaray tusaale qofka Virus lanool manta waxa uu awoodi karaa haduu qaato kiniigiga inaanu waligii ugudbin mqrxalada 3 xaad oo loyaqaano AIDS dawada qofka qaata waxa ay cudurka kasaaraysaa xitaa dhiigiisa, kaliyana waxa uu ku ekanayaa unugii difaca jirka ee uu kusogalay dawadu waxay virus ka udhigtaa hoos 99,97 inuu siifaafiyo xitaa dhakhaatiirtu waxay shegaan inay adagtahay ( Undetectable)


Dabcan taasi waa waxweyn lkn lamacno maahan inaanu qofku gudbin karin mar hadaad virus ka lanoshahay waa waajib inaad dadka ka ilaaliso si’aanu ufaafin oo bari qof kamida familka ugusoo noqon ( bixi wanaag waxaad heli wanaag bixi xuman waxaad heli xumaan).

Waxa lamarayaa in qof qaba virus ka uu guursan karo qof aan qabin umana gudbinayo virus ka HIV ubadka udhashana maqadayaan viruska qofka aan qabin virus ka waxa uu qadanayaa kiniini malinle ah oo layidhahdo PrEP dabcan waxaa khasab ah in dhakhtarka lalatashado runtii waa waxweyn oo aad uwanagsan in manta

 01.12.2022 lamarayo heerkaas waxaanay utahay dadka lanool virus ka HIV guul iyo wax ay kufaanikaraan.
Komishinka kahortaga HIV waxaan donayaa inaan udiro hambalyo shada ay uhayaan qarankooda republic of somaliland sidoo kalena inaan siiyo talooyin malahayga aan isleyahay waxay kahortagaysaa in uu HIV virus kufaafo bulshada

1. Fadlan sameeya application ugooniya dadka lanool xanuunka qofkastana halkaa ugusameya account iyadoo aanay muhiim ahayn in qofka shaqsiyadiisa lasoban dhigo ( magacisa iyo sawirkiisa) taasi waxay kaqeyb qadanaysaa in muwadiniin Somalilanders ah ee virus lanool isku xidhnadan iska warhayaan inta calaf alle iskugu darayna iskagursadan kana baxaan cidlada cabsida warwarka iyo kalinimada.

2. Madaama fursada shaqo ee ay helikaraan ay yartahay faquuqa bushadu kuhayso darteed shaqalaha kumishinka kahortaga virus ka HIV somaliland 95% inay iyaga noqdaan oo aanay hay’adu qoran shaqaalo kale hadaaney markaa jirin sabab aan looga mar ayan taasi waxay kor uqadeysaa dhaqalaha dadka lanool virus ka oo runtii ubadan danyar waxaanay xoojinaysaa niyadooda waana talaabo looqaadey dhanka kahortaga virus ka HIV.

3. Shir bile ah oo dhexmara kumishinka kahortaga virus HIV somaliland iyo muwadiniinta Somalilanders ka ah ee lanool virus HIV dhamaan dalkoo idil intii iskugobol ahba inay shiraan afkaarta cusubna sobadhigan dabcan cagabadaha nololedna wadagaan taasina waa talaabo weyn oo kahortaga qayb kaqaadan karta.
Calamadaha ugu heleeya ee qofka uu dareemo bisha ugu horeysa waxa kamid 7 calamadood fadlan hadaad isku aragto sida ugu dhakhsaha badan ugu tag dhakhtar iskana baar baritaanka kahor wax lahubo majiraan hana warwarin alle talo saaro.

1 qandho xad dhaaf ah 39+ kalaylka jirka
2 qanjaha oo kubarara waliba barar muuqda
3 habeenkii oo aad dhidid isku aragto
4 daal iyo madax xanuun
5 shuban iyo calool xanuun soda malmo koban
6 qufac qalalan iyo cuno xanuun
7 jirka oo ay kasoobaxaan finan badan melwalba wayaanay kasoobixi karaan oo kamid ah jirka.

Guntii iyo gabagabadii maanta oo ay kubegan tahay 01.12.2022 waxaan iswaydiiyey sidee ayaad uga qeyb qaadan kartaa kahortaga?

Jawaabtii waxay noqotay inaan isbaaro iyo inaan dadka kawacyigaliyo waanan isbaaray alle mahadii negative ayaan ahay wacyigalinta aan bulshadeyda iyo xukuumadeyda uhayeyna halkan ayaan kusoogudbiyey.

WALIGAA HANIYAD JABIN HADAAD LANOSHAHAY VIRUS KA HIV MALINWALBA NAFTAADA SIIJECLOW ISDARYEEL KAFIKIR CUNTADADA JIIFKAAGA ALLENA TALO SAARO.

 
Wabillhi towfiiq
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...