Sidan uga faa'idayso wakhtigaaga
Wax cusub baro maalin kasta, si aad uga faa'idaysato
1. Marka hore ogow in wakhtigu yahay hantida ugu qaalisan ee aad haysato. Markaad ku baraarugto qiimaha uu wakhtigaagu leeyahay ayaad ka faa’idaysan kartaa fursadaha uu kuu sido.
2. Samayso habraac maalmeed aad ku hawl gasho. Qorshe la‘aan haddii aad iska socoto, wuxuu wakhtigu kaaga lumi doonaa meelo aan u qalmin.
4. Wax cusub baro maalin kasta, si aad uga faa‘idaysato maalinta ay timaado fursadu. Sida ugu fudud ee aad mudnaanta uga heli karto dadka kale waa innaad ogaalkaaga iyo aqoontaada balaadhiso.
5. Iska ilaali innaad samayso waxyaabaha wakhtigaaga khasaaraha gelinaya. Ma jiro cid ka qoomamo badan qofka wakhtigiisa ku ciyaara. Si aannad uga mid noqon kooxdaas ka faa’idayso wakhtigaaga.
Ugu dambayn,
ogow wakhtigu waa nolosha, noloshuna waa wakhtiga.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...