Maxaa sababa quurada, sidee ayaadna u joojin kartaa?

0
Thursday December 01, 2022 - 09:37:09 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa sababa quurada, sidee ayaadna u joojin kartaa?

    Markii aan hawo qaadanno isla markaana neefsanno

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii aan hawo qaadanno isla markaana neefsanno



Qofna ma ogaan karo tirada rasmiga ah ee dadka habeenkii quuriya ee dunida ku nool. Balse tirada dadkan ayaa sii kordheysa.


 

Quuradu ma dhibto qofka quurinaya, balse waxay hurdada u diiddaa qofka jiifa meel u dhow.

 

Qoysas badan ayaa la sheegay inay ku burburaan quurada darteed.

 

Maxaan u quurinnaa?



 

Markii aan hawo qaadanno isla markaana neefsanno markii aan hurudno, xiidmaha jilicsan ee qoorteenna iyo madaxeenna ayaa gariira, taasoo sababta quuro.


 

Kuwani waa xiidmo jilicsan oo ku teedsan ilaa sanka, neef-mareenka iyo qeybta sare ee afka.

 

Marka aan seexanno, hawo ayaa soo gasha wayna ka baxdaa. Sidaas darteed, gariir ayaa ku abuurma xiidmahaas jilicsan.


 

Sidee ayaan marka u joojin karnaa quurada?

 

Quurinta ayaa la joojin karaa haddii hawo-mareenka la furo. Qaabab badan ayaa jira oo loo sameyn karo.


 

Aalkolada ayaa sababta in murqaheenna ay in badan dabcaan marka aan seexanno tan ayaana sababta in hawo-mareenka uu yaraado oo ciriiri dareemo. Taasina waa sababta dadka lagula taliyo inaysan cabin aalkolo kahor inta aysan seexan.


 

Marka aad u seexato dhabar dhabar, carrabkaaga, garkaaga iyo murqahaaga ayaa xannibi kara hawo-mareenka.


 

3. Waraaqaha sanka

 

Waxaa jira waxyaabo badan oo loogu talogalay inay kaa caawiyaan joojinta quurada.

 

Waxaa jira waraaqo dhuuban oo sanka loogu talo galay. Ujeeddada ayaa ah in waraaqahan ay suurtogeliyaan in hawo-mareenka sanka ay ahaadaan kuwo furan ayna yareeyaan quurada.

 

Balse waraaqahan ayaa keliya u shaqeyn kara dadka quuriya. Waxaa intaa dheer, ma jirto caddeyn lagu taageerayo waxtarka waraaqahan.


 

4. Sankaaga nadiifi

 

Haddii uu hargab ku haayo, oo sankaagu cabburan yahay, waxay u badan tahay inaad quuriso. Daawada qabowga sanka ayaa tan xal u noqon karta. Sidaas darteed, nadiifi sanka kahor inta aadan seexan. Haddii halbowleyaasha dhiigga ee yaryar ee sanka ay bararaan, daawadaan ayaa ku caawin karta.

 

Xasaasiyadda Allergies can often cause this swelling.A nasal spray can help clear a stuffy nose.


 

5. Miisaanka iska dhin

 

Dadka buurbuuran ayaa u badan quurinta, sida ay dhaqaatiirtu sheegeen. Dadkan ayaa inta badan ay baruur ka saaran tahay garka hoostiisa. Tan ayaa xannibeysa neef-mareenka, waxayna qofka u sababtaa inuu quuriyo. Sidaas darted, haddii aad xakameyso miisaankaaga, quurintana waad xakameyn kartaa

 


BBC/SOMALI
Loading...
Loading...