Urur Goboleedka IGAD oo taageeray codsiga Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabataynta hubka

0
Thursday December 01, 2022 - 09:04:11 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Urur Goboleedka IGAD oo taageeray codsiga Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabataynta hubka

    Dhinaca kale wasiirrada arrimaha dibadda IGAD

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhinaca kale wasiirrada arrimaha dibadda IGAD




Wasiirrada arrimaha dibadda urur goboleedka IGAD ayaa aqbalay codsi uu jeediyay Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) oo ahaa in Soomaaliya lagu garab istaago qorshaha ay ku doonayso in laga qaado cunaqabataynta hubka ee wakhtiga dheer saaran.



Wasiir Abshir Cumar Jaamac ayaa ka sheegay shirka 48-aad ee wasiirrada arrimaha dibadda IGAD oo maanta ka dhacay Khartoum in cunaqabataynta hubku caqabad ku tahay qorshaha dowladdiisa ee ah Soomaaliya Nabadgelyo ah oo Xasiloon, wuxuuna ka codsaday inay IGAD garab istaag buuxa siiso qorshaha dowladda Soomaaliya ee Golaha ammaanka mar kale lagaga codsanayo in laga qaado cunaqabataynta hubka.


 

Dhinaca kale wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ayaa isla qaatay codsi kale oo dowladda Soomaaliya soo jeedisay oo ahaa in mashaariicda horumarinta iyo fursadaha hoggaaminta iyo shaqooyinka ururka IGAD si caddaalad ah lagu qaybsado maadaama Soomaaliya oo ka mid ah dalalkii asaasay ururka aysan hellin saamigii ay xaqqa u lahayd ee xagga mashaariicda iyo hoggaanka ururka labadaba.


Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa kaashanaysa ururrada ay xubinta ka tahay Soomaaliya sida IGAD, midowga Afrika iyo kuwo kale si loogu guulaysto qorshaha dowladda ee ah in la qaado cunaqabataynta hubka.

Loading...
Loading...