Muxuu Yahay Markabka Ay Saaran Yihiin 800 Oo Qof Oo Qaba Xanuunka Covid-19?
Markab raaxada ee qaada
dadka fasaxa ah oo siday ilaa 800 oo rakaab ah oo qaba xanuunka Covid-19 ayaa
ku soo xirtay magaalada Sydney ee dalka Australia.
Markabka oo la yirahdo
Majestic Princess ayaa yimid Circular Quay, isagoo ka soo shiraacday New
Zealand.
Qiyaastii 4,600 oo
rakaab ah iyo shaqaalihii markabka ayaa saarnaa markabka markii uu soo xirtay -
taasoo la macno ah in shantii qofba uu mid uu qabo Covid.
Dhacdadaan ayaa waxay
dib inoo xasuusinaysa markabkii Ruby Princess ee uu Covid-ka ka dhex dillaacay
horraantii 2020, halkaas oo ugu yaraan 900 oo qof laga helay hala 28 ka mid
ahna ay u dhinteen.
Marguerite Fitzgerald,
oo ah madaxa hawl wadeenada dalxiiska ee Carnival Australia, ayaa sheegay in
tiro badan oo kiisaska la ogaaday qiyaastii kala barkii safarka 12-ka maalmood
ahaa.
"Dhammaan kiisaska
waxay ahaayeen kuwo khafiif ah, ayay tiri.
Shaqaalaha markabka
ayaa waxay dhammaan dadka dalxiiseyaasha
ah ee u uku dhacay xanuunka ka caawin doonaan "helitaanka gaadiidka gaarka
ah iyo hoyga si ay u dhammaystiraan muddada karantiilka", ayay tiri.
Markabku wuxuu dhawaan u shareecan doonaa magaalada Melbourne.
Mar wax laga weydiiyay
isbarbardhigga iyo farqiga u dhexeeya markabkan Princess Majestic iyo markii
Ruby Princess - Ms Fitzgerald waxay tiri: "Wixii markaas ka dambeeyay,
bulsho ahaan wax badan ayaan ka baranay, gaar ahaan wax badan oo ku saabsan
Covid."
Faafitaanka ayaa
imaanaya iyadoo kiisaska Covid ay kor u kaceen guud ahaan Australia.
Gudaha New South Wales,
19,800 xaaladood oo cusub ayaa laga helay todobadii maalmood ee la soo dhaafay.
BBC