IToobiya Iyo Fallaagada Tigray Oo Ku Heshiiyey In Gargaarka Marino Loo Furo

0
Sunday November 13, 2022 - 13:28:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    IToobiya Iyo Fallaagada Tigray Oo Ku Heshiiyey In Gargaarka Marino Loo Furo

    "Marka hub ka dhigis lagu sameeyo, TPLF waxaa lagu dari doonaa ciidanka qaranka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Marka hub ka dhigis lagu sameeyo, TPLF waxaa lagu dari doonaa ciidanka qaranka"


 


 

Wada hadalladii u dhaxeeyay taliyeyaasha sare ee militariga Itoobiya iyo mucaaradka Tigray ayaa ku soo idlaaday heshiis lagu hirgelinayo soo afjaridda colaadda ee dhowaan lagu heshiiyay.

 

Dhexdhexaadiyeyaasha wada hadallada ayaa sheegay in arrintan ay suurto gelineyso inay si degdeg ah u billowdaan gargaarkii bani’aadannimo ee la geyn jiray gobolka Tigray.

 

Malaayiin qof oo rayid ah ayaa aad ugu baahan cunno iyo sidoo kale daaweyn kaddib labo snao oo uu dagaal ka socday gobolka.

 

Iyadoo maanka lagu hayo sida uu u qaraaraa xiriirka labada dhinac, kaddib labo sano oo uu dagaal ka socday Itoobiya, waxaa la oran karaa waa tallaabo weyn in ay taliyeyaasha dhinacyada iska soo horjeeda yeeshaan wada hadalladaas.

 

Guddi isku dhaf ah ayaa korjoogto ka ahaan doonta hub ka dhigista kooxda TPLF ee waqooyiga Itoobiya.

 

Waxaa sidoo kale heshiiska qeyb ka ah in ciidamada Eritrea laga saaro marka ay ciidamada Tigray iska dhigaan hubkooda culus.

 

Heshiiskan ay gaareen labada dhinac ayaa war wanaagsan u ah malaayiin rayid ah oo aad ugu baahan cunno iyo dawo.

 

Balse dowladda ayaa weli ku adkeyn karta hay’adaha gargaarka inay si xor ah uga howlgalaan gobolka.

 

Kala bar dadka ku nool Tigray oo gaaraya 5.5 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar cunno, iyadoo badankood ay ku jiraan xaalad macluul.

 

Taliyaha kooxda TPLF Sarreeye Guuto Tadesse Werede Tesfay ayaa sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay ay la kulmeen xaalado aan laga war qabin welina ay xaaladdaasi jirto.

 

Wuxuu intaas ku daray inay haatan rajeynayaan in heshiiskan uu horseedo in la soo afjaro dhibaatada lagu hayo dadkooda.

 

Mar uu isagana ka hadlayay shir jaraa’id oo heshiiska kaddib lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, ayaa wuxuu labada dhinac ku ammaanay dadaalladooda iyagoo maanka ku haya dadweynaha Itoobiya.

 

Marka hub ka dhigis lagu sameeyo, TPLF waxaa lagu dari doonaa ciidanka qaranka.

 

Weriyeyaasha ayaa sheegaya in weli uu jiro walaac laga qabo ciidamada Eritrea oo gacan siinayay dowladda Itoobiya. Qeyb kama aysan ahayn heshiiskii xabbad-joojinta ee horraantii Bishan lagu gaaray Koofur Afrika.

 

Waxaa la soo werinayay tacaddiyo ay geysanayeen labada dhinac, oo ay ku jiraan isir sifeyn iyo tacaddiyo kufsi ah.

 

BBC


Loading...
Loading...