Madaxwaynaha Oo Magacaabis Sameeyay
"Madaxweynaha ayaa tilmaamay in mudane Nasa Ige uu aqoon iyo waayo aragnimo ku filan"
Muqdisho, Nofeembar 06,
2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Nasa Ige in uu noqdo Lataliyaha xiriirka
caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada.
Madaxweynaha ayaa
tilmaamay in mudane Nasa Ige uu aqoon iyo waayo aragnimo ku filan u leeyahay
hannaanka faca weyn ee diblumaasiyadda dalkeenna, duruufaha ku xeeran iyo
ahmiyadda xiriir caalamiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha
barnaamijyada, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa
uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.
DHAMAAD
Loading...
Loading...