Canada Oo Qaadanaysa 1.4 Milyan Qof Oo Shaqaale Ah
Wasiirka socdaalka ee
dalka Canada ayaa shaaca ka qaaday in dalka Canada looga baahan yahay shaqaale
dheeraad ah.
'eeg, way fududahay,
Waxaan u baahanahay dad badan.' ayuu yiri wasiirka socdaalka, Sean Fraser.
Wuxuu hadalkan sheegay
mar uu furayay qorshe lagu soo dhaweynayo ku dhawaad 1.4
milyan oo soo galooti ah saddexda sano ee soo socota.
Canada waxay soo
dhaweyn doontaa 465,000 qof oo ay daganaashiyo rasmi ah siin doonto, sanadka
2023,sida uu wasiirka sheegay. Sannadka 2024, 485,000 ayaa dalkaasi lagu soo
dhaweyn doonaa, halka sanadka 2025, shan boqol oo kun oo qof oo kale ay tagi
doonaan dalka Canada.
Tani waxay ka dhigan
tahay in qorshihii hore ee dawladda Canada ee dib u dejinta dadka qaxootiga ah
uu kordhay boqolkiiba 13.
Ujeedada ugu weyn ee
hindisahan dowladda Canada waa in la buuxiyo boosaska ka banaan waaxyaha kala
duwan ee shaqooyiinka.
Waxa jira kumanaan
shaqo oo ka bannaan shirkadaha kala duwan ee dalkasi kuwaasi oo aan wali la
buuxin. Xaaladdan Canada ayaa gabi ahaanba imika ka duwan siyaasadda socdaalka
ee Maraykanka iyo Ingiriiska.
UK ayaa si weyn loogu
dhaleeceeyay siyaasaddeeda socdaalka, halka Mareykanku uu dhawaan qaaday
tallaabooyin uu ku adkeynayo hay'adaha socdaalka.
Sean Fraser ayaa
sheegay in iyada oo loo marayo qorshaha cusub ee socdaalka Canada, ay hadda
gacan ka geysan doonto sidii loo heli lahaa shaqaale ka shaqeeya qaybo kala
duwan ee dalka.
Mid ka mid ah sababaha
ugu waaweyn ee ka dambeeya qorshahan cusub ayaa ah in boosaska shaqo ee
bannaanaaday intii lagu jiray feyriska Covid-19 aan dib loo buuxin.
Ilaa hal milyan oo reer
Canada ah ayaa hadda shaqo la'aan ah, sababta oo ah ma awoodaan inay shaqeeyaan
ama ma doonayaan inay qabtaan shaqooyinka hadda suuqa ka jira.
Taasi waa sababta
Canada ay uga baahan tahay shaqaale dibadda dalka ka yimaada.
Isbeddelkan ka sokow,
dawladdu waxay muujisay in dad badan oo Canada u dhashay ay ka tagayaan
shaqooyinkooda, taas oo abuuraysa in boosas badan ay banaanaadaan ayna tahay in
la buuxiyo.
Waxaa intaa dheer, in
dowladda Canada ay imika doonayso inay dedejiso barnaamijku dib u dejinta
qaxootiga kuwaas oo hadda ku tiirsan kaalmada dowladda.
Hadaba
waa noocee dadka ay dowladda Canada raadinayso
Xirfadlayaal Caafimaad,
barnaamijka komputarada ee software iyo Hudheelada Ma ahan markii ugu horeysay
ee Canada ay furto xuduudaheeda si ay u soo jiidato soo galooti badan, balse
waa markii ugu horeysay oo tiro intan dhan ay u baahato. "Dadka Canada
waxay fahmeen baahida loo qabo in dadkooda ay kordhaan," waxaa sidaasi
xafladdii furitaanka mashruuca cusub ka sheegay wasiirka socdaalka Sean Fraser.
"Waxaan dabooli
doonnaa baahida xoogga shaqaalaha, aan isku dheellitirno isbeddel bulsho aana
dib u mideyno qoysaska.' ayuu intaa ku daray.
Inkasta oo dawladdu ay
muujisay in yaraanta shaqaalaha xirfadda leh ay saamayso dhammaan qaybaha
dhaqaalaha Canada, xogta laga soo xigtay daraasadda dawladda ayaa muujinaysa in
mid ka mid ah qaybaha ugu badan ee ay shaqaala la'aanta saameysay ay tahay
dhanka adeegyada caafimaadka.
Qeybtaan waxaa ku xiga
dhismaha, wax soo saarka, Hudheelada iyo dalxiiska. "Waxaan u baahanahay
shaqaale badan oo ka shaqeeya dhammaan qeybaha kala duwan ee gobollada dalka,
hadday yihiin shaqaalaha adeega caafimaadka , darawallada gawaarida xamuulka,
kuwa guryaha dhisa (tusaale ahaan shaqaalaha) ama injineerada software,"
ayuu yiri Shaun Fraser.
Xisbiga Conservative-ka
ee Canada oo ka soo horjeeda xukuumadda Justin Trudeau, ayaa dhaleeceeyay
go'aanka dowladda ee lagu dhawaaqay toddobaadkan, laakiin waxay qireen baahida
loo qabo in la furo socdaalka.