Boolisku waa Laf-dhabarka Horumarka Dalka " Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland

0
Saturday November 05, 2022 - 17:06:26 in News by A. Asbaro
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Boolisku waa Laf-dhabarka Horumarka Dalka " Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland

    Boolisku waa Laf-dhabarka Horumarka Dalka " Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boolisku waa Laf-dhabarka Horumarka Dalka " Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland


Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane. Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sheegay inay muhiim tahay in ubadka ciidanka boolisku helaan daryeelka ubadka madaxda ama ganacsatada oo kale.



Guddoomiye Cabdirisaaq oo hadal ka jeediyey munaasibada Xuska Sannad Guurada 29aad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in Boolisku laf-dhabar u yahay dhammaan nolosha iyo horumarka dalkeena, la’aantood wax badan mayno qabsaneen.

Waxa uu sheegay in ciiddanka Booliisku soo mareen hayaan dheer, laga soo bilaabo sannadkii 1993-gii, inta hoggaankiisa isaga dambeeyey inta dhimatay iyo inta nool waynu ku hambalyeynaynaa.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa sheegay in Ciiddanka Booliiska u xil-saaran yahay ilaalinta ammaanka, xaqna way ugu leeyahiin Madaxweynaha ilaa bulshada in lagala shaqeeyo booliiska hawlaha ammaanka ay gacanta ku hayaan.

Waxuu sheegay inuu ku hambalyeynayo qorshe hawleedka booliiska ee Taliye Maxamed Adan soo bandhigay, isla markaana qodobka ka muuqda ee booliisku waa saaxiibka shacabka inay kaga dhabeeyaan.

Gudoomiyaha Wakiilada Md. Cabdirisaaq ayaa sheegay in qof kasta oo shaqo haya la dhaliilo, sababtoo ah shaqada dhaliisha keenta, sida warbixintii golahu ka soo saaray shaqaaqooyinkii mudaharaadada, ma ahayn dhaliil ee waxay ahayd toosin, booliiskuna waa inay garowshiiyo ka bixiyaan waxii shaqadu keento.

Waxa uu sheegay in ubadka Ciiddanka Booliisku muhiim tahay inay helaan daryeelka ubadka madaxda ama ganacsatada oo kale, waana in Wasaarada Waxbarashadu ka soo saarto qorshe ciiddanka ubadkooda wax lagu baraayo, tayadoodana kor loogu qaadaayo.


Loading...
Loading...