Muuse Biixi Oo Bedeley Qaabkii Uu Uga Hadli Jiray Doorashada & Sababta
"Doorashooyinku waxay u kala horreyn doonan sida…"
Hargaysa (HWN) Madaxweyne
Muuse Biixi waxuu dhawr jeer oo hore ku celcelin jiray in doorashada soo
horreysaa ay tahay Doorashada Ururrada balse shalay khudbad uu ujeediyay
Ciidamada Booliska waxuu ku hadley
luuqad taas ka duwan, isagoon magacaabin doorashada madaxwaynaha iyo ta ururada
mida soo horaynaysa.
"Doorashooyinku
waxay u kala horreyn doonan sida ay u dhigaan Kominshanka
Doorashooyinku..." ayuu yidhi Madaxweyne Muuse.
Dadka udhuun daloola
siyaasada Muuse Biixi ayaa arintan ku tilmaamay isbedel ku yimid Muuse Biixi,
xili ay beesha caalamku cadaadis culus saaratay, iyagoo ka xumaaday muddo
kordhinta labada sanno ah ee loo sameeyay.
Loading...
Loading...