Xildh. Barkhad Oo Raaligelin Siiyay Saylici & Sababta
Hargaysa (HWN)
Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka ah golaha Wakiilada Somaliland ayaa Saaka
raaligelin siiyay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo
dhawaan raaligelin ka dalbaday Barkhad.
Xildhibaanka ayaa
qoraal uu baahiyay oo ku sheegayo wixii saaka dhexmaray isaga iyo Saylici ku
yidhi sidan:-
"Waxa aan saaka
booqasho iyo isbog xaadhasho ugu tagay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, oo ah
odeyga labaad ee qaranka, sidoo kalana ah Aabbahay oo kale oo dhawaan wax iga
tirsaday. Is waraysi, waano iyo wax isku sheeg ka dib waxa aan ka raalligaliyey
wixi shaqsiyan uu iga sheegtay, isna waxa aan kala yimid duco waalidnimo iyo
dareen wanaagsan. Gobeey liico ha jebin.”