Somaliland oo ujawaabay beesha caalamka

0
Thursday October 06, 2022 - 15:00:03 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 3297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo ujawaabay beesha caalamka

    Waxa kale oo aan soo dhawaynayaa go'aankii golaha guurtida, golaha sare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa kale oo aan soo dhawaynayaa go'aankii golaha guurtida, golaha sare


"Maamulkaygu waxa uu la shaqayn doonaa hay’adaha dimuquraadiga ah ee Somaliland si loo xaqiijiyo in doorashada madaxtooyada ee soo socota ay u qabsoonto sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah”


"Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka qabsoontay doorashooyin hal qof iyo cod ah oo ay ka qaybgaleen goobjoogayaal caalami ah. in ka badan labaatan sano.


Hay’adaha dimuquraadiga ah ee Somaliland waa kuwo adkeysi leh, madax-banaan oo isla xisaabtan leh, waxayna tusaale u noqdaan kuwa kale ee ku nool gobolka iyo kuwa kaleba.
Anagoo taas ka duulayna, waxa aanu balan qaadaynaa in aanu ilaalinayno dastuurka Somaliland ee ku saabsan doorashada axsaabta siyaasadda iyo waajibka ah in aanu qabano doorashooyin si waafaqsan hab-raacyada komishanka doorashooyinka qaranka (KDQ).
May be an image of text


Waxa kale oo aan soo dhawaynayaa go’aankii golaha guurtida, golaha sare ee baarlamaanka Somaliland, ee ahaa in golaha guurtida Somaliland ay si wada jir ah xukuumadda u sii socoto, maadaama hawshani socoto.

Maamulkaygu waxa uu la shaqayn doonaa hay’adaha dimuquraadiga ah ee Somaliland si loo xaqiijiyo in doorashada madaxtooyada ee soo socota ay u qabsoonto sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, iyada oo la raacayo hab-raacyo ay dejiyeen KDQ.

Waxaan sidoo kale ballan-qaadnay inaan sii wadno wada-hadallada dhammaan daneeyayaasha siyaasadda annagoo rajaynayna inaan isugu nimaadno shacab ahaan si aan u horumarinno geeddi-socodkeena dimoqraadiyadeed oo aan uga gudubno hadallo kicin ah iyo ficillo la doonayo in lagu beero kala qaybsanaan.

Waxaanu ku kalsoonahay in shacbiga Somaliland ay si hagar la’aan ah uga shaqayn doonaan sidii loo gaadhi lahaa is-afgaradka lagama maarmaanka u ah qaab-dhismeedka Dastuurkeena iyo ku-dhaqanka sharciga si loo jeexo dariiq cad oo loo maro laguna ilaaliyo halbeegga ugu sarreeya ee dhaqankeena dimoqraadiyadeed.”
Loading...
Loading...