Cudurka Ku Dhaca Haweenka Ee Sababa In Aysan Yeelan Ilmo-galeen

0
Wednesday October 05, 2022 - 16:37:42 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 704
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Ku Dhaca Haweenka Ee Sababa In Aysan Yeelan Ilmo-galeen

    "Hooyadey markii ay yareyd waxaa ka daahay in uu ku dhaco dhiigga caadada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hooyadey markii ay yareyd waxaa ka daahay in uu ku dhaco dhiigga caadada"



Kesia Nascimento markii ay jirtay 13 waxay aheyd gabar buuran marka loo eego hablaha da'deeda ah. Hadda waa 19 jir, waxay sheegtay in uusan weli ku dhicin dhiigga caadada.

 

"Hooyadey markii ay yareyd waxaa ka daahay in uu ku dhaco dhiigga caadada, waxaan u maleynayay xaalad iska caadi ah, markaas waxaan go'aansaday in aan sugo wakhti dheer" ayay tiri gabadhan da'da yar.

 

Waxay la talin caafimaad ka heshay dhaqaatiirta, lagumana arkin wax astaan ah ama dhibaato caafimaad, markii ay gaartay 16 jir , dhaqtaraddii qaabbilsaneyd cudurrada haweenka ayaa ku amartay inay sameyso baaritaan caafimaadka.

 

Sanad kaddib markii ay 17 jir aheyd, Kesia Nascimento waxaa laga baaray dhiigga, waxaana la saaray qalab lagu eegay xaaladdeeda caafimaad, iyadoo loo sameeyay baaritaanno kale oo dhanka cudurrada haweenka ah.

"Dhaqtarka wuxuu la yaabay xaaladdeyda xilligaas. Wuxuu i tusay sawirro muujinaya in aanan laheyn ilmo-galeenka iyo marinka xubinta taranka," ayay tiri Kesia Nascimento.

 

Dhaqaatiirtu waxay Nascimento u sheegeen inay marto baaritaan kale oo caafimaad. Waxay u maleynayeen in uu wax ka qaldan yahay ilmo-galeenka, markii raajada la saaray waxaa la ogaaday inay la daalaa-dhaceyso xaalad caafimaad oo naadir ah.

 

Markii laga helay cudurka

Markii la baaray, isla markaana la siiyay la talin caafimaad, nolosha Nascimento way isbeddeshay. Dhaqaatiirta waxay u sheegeen in gabadhan da'da yar uu ku dhacay cudur la yiraahdo Rokitansky syndrome, kaasoo sababa in dumarku ay dhashaan iyagoo aan laheyn ilmo-galeen iyo marinka xubinta taranka.

 

"Markii ay dhaqaatiirtu ii sheegtay xaaladdeyda caafimaad. Waan isku naxay, waa wax aadan filaneyn. Hooyadey ayaan dhageysanayay markii ay dhaqtaraddu yara aamustay, waxaan ku dhex ooyay musqusha, illinta ayaan iska tiray, waana soo laabtay," ayay tiri Nascimento.

 

Markii ay guriga kusoo laabatay waxay sheegtay inay ka waalacday xaaladdeedda caafimaad. Waxay u maleysay inay meesha ka baxday riyadii aheyd inay hooyo noqoto.

 

Muxuu yahay cudurka Rokitansky ?

Waa xaalad caafimad-darro ah oo uu ku dhasho qofka, taas oo horseedda maqnaashaha ilmo-galeenka ama in aanay dhamaystirnayn qeyb ka mid ah marinka xubinta taranka ee haweenka.

 

"Cudurka wuxuu ka dhashaa isbeddel ku yimaada qaabka uu u sameysmo jirka inta uusan qofka dhalan. Wuxuu beddelaa qaabka xubinta taranka, laakiin dumarku waxay leeyihiin ugxaan-sidaha iyo horumarinta dabeecadaha galmada.

 

Gabdhaha waxay waydiisanayaan caawimaad, sababtoo ah iskuma aanay arag dhiigga caadada," ayuu yiri Natália Piovani, oo ah dhaqtar ku takhasusay cudurrada haweenka, isla markaana macallin ka ah jaamacadda Positivo, ee ku taalla Curitiba ee dalka Brazil.

 

Maqnaashaha caadada waxaa sababa in ilmo-galeenka aysan kasoo bixin xuub ama unugyo ku gadaaman ilmo-galeenka. Haweenku wuxuu dhiigga caadada ku dhacaa marka ay gaaraan da'da 9 iyo 13 jir.

 

Cudurkan waxaa loo qaybin karaa saddex nooc. Nooca koowaad ayaa ah kan ugu caansan, wuxuuna saameyn karaa qiyaastii 70% haweenka. Xanuunkan wuxuu isbeddel kooban ku keena habka taranka.

Nooca labaad, ee loo yaqaanno nooca caadiga ah iyo nooca aan caadiga ahayn ee horseeda xaaladda caafimaad-darrada ah, waxay la xiriirtaa cudurrada ku dhaca ugxan-sidaha, kuwa kelyaha ku dhaca ee ay ilmuhu ku dhashaan, lafaha iyo cudurrada dhegaha.

 

Nooca saddexaad waa midka ugu daran ee naadirka ah, wuxuu horseedaa cudurro kale.

 

Dhaqaatiirtu cudurkan kuma tilmaamaan mid naadir ah maaddaama uu saameeyo 5,000 oo haween ah, wuxuuna dumarka u horseedaa in aysan helin dhiigga caadada, dumarka qaar haddii uu ku dhaco waxay dareemaan xanuun marka ay galmadu timaaddo.

 

Dhaqtarad Claudia Melotti waxay go'aansatay inay aasaasto machadka Roki oo ah goobta ugu weyn ee la talinta dhanka daweynta ah siisa bukaannada uu ku dhacay cudurkan, inkastoo Claudia Melotti ay la daalaa-dhaceyso xanuunkan oo ay isku aragtay markii ay 13 sano jir aheyd, mana laha wax ilmo galeen ah. Wax dawo ah ma aysan helin tan iyo markii ay gaartay lix jir.

 

Cudurkan ma leeyahay dawo?

Cudurka Rokitansky waxaa lagu daweyn karaa dawooyin kala duwan iyo layliyo ay dhaqaatiirtu ku taliyaan.

 

Dhaqanka ugu badan waa in la sameeyo qalliin gaar ah si loo dheereeyo marinka xubinta taranka haweenka ilaa laga helo cabbirka ugu habboon ee marinka xubinta.

 

"Bukaanka uu ku dhacay cudurkan waxaa ku adag galmada, waxaa lagu sameeya qaabka qalliinka ah ee gaarka ah si loo furo marinka xubinta taranka," ayay tiri Priscila Medina, oo ku takhasustay cudurrada haweenka, kana howlgasha isbitaalka Beneficência Portuguesa ee dalka Brazil.

 

Dumarka uu ku dhacay cudurkan waxaa habboon inay la tashadaan dhaqatiirta ku takhasustay cudurrada haweenka iyo kuwa bartay cilmu-nafsiga.

 

Marka lagu guuleysan waayo qalliinka gaarka ah, waxaa la adeegsadaa habab kale oo lagu daweynayo dumarka uu ku dhacay xanuunka. Balse, waxaa dumarka loo sameyn karaa marin cusub oo xubinta taranka ah. Qofka bukaanka ah waxaa la daweynayaa afar ilaa shan maalmood.

 

Waxaa sidoo kale dumarka uu ku dhacay xanuunkan lagula taliyaa inay la xiriiraan dumarka qaba cudurka si ay u yeeshaan kulamo ay isku taageerayaan, isla markaana ay xaaladdooda kula soconayaan.

 

BBC


Loading...
Loading...