Shan Xeelad Oo Aad Uga Hortagi Karto Wadne Xanuunka
Dhaqaatiirta ayaaa
aminsan in walaaca uu aad sameeyo wadnaha taasi oo horseedi karta in
dhibaatooyin caafimaad oo aad u daran ay soo wajahaan qofka, sida faaligga iyo
dhiig karka.
Cilmi-baaris la
daabacay sannadihii ugu dambeeyay waxay muujineysaa sida walaaca uu saameyn
toos ah ugu leeyaha wadnaha.
Warka wanaagsan ayaa ah
in qaar badan oo ka mid ah kiisaskan laga hortagi karo.
Dhakhaatiirta wadnaha
oo ay wareysatay BBC-da ayaa sheegay in maareynta walaaca, hurdada wanaagsan,
jimicsiga iyo u fiirsashada calaamadaha
wadne xanuunka ay yihiin tallaabooyinka looga hortagi karii in dhaawac uu soo
gaaro wadnaha.
Dr. Roberta Saretta, oo
ah madaxa Xarunta Wadnaha ee Isbitaalka Sírio-Libanês, ee magaalada São Paulo
ee dalka Braziil ayaa sharraxaysa in mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn
ee maaraynta walaaca ay sabab u tahay xaqiiqda ah in aanay suurtagal ahayn in
si dhab ah loo cabbiro ilaa xad inta uu saameynta ku yeelankrto wadnaha.
Khubarada caafimaadka
wadnaha ayaa BBC-da u sheegay in ay jiraan shan arrimood oo qofka ka caawin
kara inuu wanaagsanaado caafimaadka wadnihiisa.
1-
Xakameynta Welwelka
"Ugu horreyntii,
waa inaan kala saarnaa waxyaabaha aan wax ka qaban karno iyo kuwa aynaan waxba ka qaban karin, kaddib
waxaan diiradda saari karnaa waxa la beddeli karo,” ayuu yiri Agnaldo Piscopo,
oo ah khabiirka ku takhasusay arrimaha wadnaha.
Sida laga soo xigtay
dhakhtarka, waxaa jira siyaabo badan oo loo maareeyo walbahaarka, laga billaabo
dhaqamada xasiiloonida iyo miyir-qabka.
Hadafka dhaqanakan laga
leeyahay ayaa ah in qofka uu diiradda saaro xilliga markaas la joogo ee uusan
ku mashquulin waxa horay loo soo dhaafay ama mustaqbalka.
"Waxaan haynaa
caddayn ku saabsan in dadka ka fiirsada tallaabooyinkooda ay uu hoos u dhaco
cadaadiska dhiiggooda iyo garaaca wadnaha, oo ay si fiican ula qabsadaan
walaaca maalinlaha ah," ayuu yidhi Poscop.
Dhaqtarka ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in la
yareeyo Isticmaalka baraha bulashada iyo dhawaashada wararka.
Piscopo ayaa ka digay
in laga fikiro xaaladaha aadka u daran.
2-
Helista hurdo kugu filan
Xarunta Maraykanka ee
Xakamaynta iyo ka-hortagga Cudurrada (CDC) ayaa shegetay in hurdo xumada
habeenkii ay la xiriirto dhibaatooyinka ay ka mid yihiin dhiig karka, nooca
2-aad ee sonkorowga iyo cayilka - arrimahaas oo iyaguna si toos ah u saameeya
wadnaha.
Haddii si kooban loo
dhigo, hurdo xumadu waxa ay sidoo kale badisaa daalka iyo xanaaqa.
"Waxaad arki kartaa in
haddii aadan nasanin saacadaha lagama maarmaanka aad mar walba dareemaysid daal
badan iyo in aad noqoto qof mar walbo isku buqsan.” ayay tiri Saretta.
Guud ahaan, dadka
waaweyn waxay u baahan yihiin ugu yaraan 7 saacadood oo hurdo ah maalintii.
Taasi oo muhiim u ah abaabulka xusuusta, nasashada, iyo nidaaminta
dheef-shiidka iyo nadiifinta kiimikaadka jirka.
3-
Sameynta Jimicsiga
Sida hurdada oo kale,
jimicsiga waxaa laga helaa waxyaabo badan oo faa'iido u ah nolosha.
Dhaqdhaqaaqa jireed ee
joogtada ah waa mid ka mid ah dabeecadaha ugu muhiimsan ee lagu xakameynayo
khataraha ku iman karo wadnaha, sida Dhiigkarka, sonkorowga, kolestaroolka sare
iyo cayilka.
Ururka Caafimaadka
Adduunka (WHO) wuxuu ku talinayaa in dadka waaweyn ee da'doodu u dhaxayso 18
ilaa 64 sano ay "sameeyaan 150 ilaa 300 oo daqiiqo jimicsi dhexdhexaad ah
ama 75 ilaa 150 daqiiqo oo jimicsi xooggan ah" toddobaadkii.
Waxaa mudan in la
xasuusto in jimicsiga dhaqdhaqaaqa jirka, sida orodka iyo wadista baaskiilka,
ay yihiin kuwa ka shaqeeya muruqaha oo horseeda neefsashada oo korodha iyo
ficnaanta garaaca wadnaha.
Hay'addu waxay sidoo
kale soo jeedisay in qofka uu qabto jimicsiyada la xiriira dhisidda murqaha,
sida jimicsiyada lagu sameeyo qalabka jimicsiga.
4-
Ka taxaddar buunbuuninta xaaladaha xun
Saretta waxa ay
sheegtay in wakhtiyada xiisaddu ay aad u sarreyso, ay tahay arrin dabiici ah in
aan xadka ka talaabno oo ay khaladaad badan dhacaan.
Arrintan oo lagu daray
hurdo la'aanta iyo hab-nololeedka fadhi-ku-dirirka, waxay culays dheeraad ah
saaraysaa wadnaha, taasi oo qofka u horseedi karta in uu wadnaha istaago.
"Xaaladdan oo
kale, waxaa muhiim ah in la qiimeeyo xaaladda oo aan la gelin iska hor imaadyo
aan loo baahnayn, maadaama ay jirto halis keeni karta dagaal afka ah iyo mid
jireed," ayay tiri Saretta.
5-
Fiiro gar ah u yeelo calaamadaha wadna xanuunka keeni karo.
Ugu dambayntii, aad bay
muhiim u tahay in qof kasta uu garto calaamadaha caadiga ah ee wadno-qabadka
ama faaligga oo uu yaqaanno waxa la sameeyo haddii uu dareemo isaga ama uu arko
qof xaaladdan ku jira.
Tallaabooyinkan
gargaarka degdegga ah ayaa macno ahaan ka dhigan farqiga u dhexeeya nolosha iyo
dhimashada.
"Nasiib darro, 50%
dadka uu wadne-xanuunku ku dhaco ma gaaraan astaamaha," ayuu yiri Piscopo.
"Haddii uu kula
soo gudboonaado wadne xanuun, waxaa caadi ah in aad xanuun ka dareento dhinaca
bidix ee xabadka, kaas oo sii kala caddaanaya marka ay ku darsamaan dhididka
qabow, lallabbo, dawakhaad iyo xanuun dheeraad ah", ayuu yiri Socesp oo ah
dhakhtarka wadnaha.
Haddii uu qofka kudhaco
ama uu kusoosocdo faalig, calaamadaha lagu garto waxaa kamid ah xanuun daran oo
madaxa ah, curyaannimo wejiga ama qayb ka mid ah jirka iyo dhibaato xagga
dhaqdhaqaaqa ah.
"Sidaas darteed
haddii aad dareento in wax iska beddeleen caafimaadkaaga, sida inaadan awoodin
inaad sameyso dhaqdhaqaaq caadi ah, dareento daal xad-dhaaf ah ama xanuun dhanka laabta ah, waxaa habboon in aad la
xiriirto dhakhtar," ayey tiri Saretta.
BBC