Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Xanuun Ka Dilaacay Somaliland Iyo Mooganaanta Xukuumada Muuse

0
Monday October 03, 2022 - 19:15:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Xanuun Ka Dilaacay Somaliland Iyo Mooganaanta Xukuumada Muuse

    "Xanuun Cusub oo Dad badani u geeriyoodeen Iyo Xukuumadeenii oo Ku Mashquulsan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xanuun Cusub oo Dad badani u geeriyoodeen Iyo Xukuumadeenii oo Ku Mashquulsan"


Hargaysa (HWN)  Xoghaye Yuusuf Kayse Abdilaahi oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay in xanuun farobaas ku hayo shacabka Somaliland, isagoo xukuumadii loodoortay dalkuna uu sheegay inay ku mashquulsantahay hambalyada muddo kordhinta loosameeyay Madaxwayne Muuse Biixi.

 

Xoghayaha ayaa sidaaku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay:-

"KAAF IYO KALA DHEERI

Xanuun Cusub oo Dad badani u geeriyoodeen Iyo Xukuumadeenii oo Ku Mashquulsan Hambalyadda Mudo-korin aan sifo Sharciya Loo Marin, anaguna aanaan aqoon-sanayn.

 

Hadaba miyaanay Kaaf Iyo Kala-dheeri ahayn Shacbigeenii oo la iL-daran Xanuunkan oo Dadkeenii Buux-dhaafiyeen Dhakhaatiirta Iyo Farmasiiyada, Qaarkoodna u Geeriyoodeen, Qaar kale oo Ka mid ahina Guryaha u Jiifaan Ayaan Jirin Cid Ku Wer-weraysa oo u Damqanaysa oo Ka Hadlaysa Iyo Qorshe Cad oo Xukuumadu inoo Soo Bandhigtay oo ay Kaga Hor-tagayso dadka inta aanu ku Dhicin, Markaa Miyaanay Kaaf Iyo Kala-dheeri ahayn”

 

Xanuun xumad aad usaraysa leh ayaa kajira deegaanada Somaliland kaasi oo shacab badan ay ujiifaan goobaha dhakhaatiirta, waxaanay wasaarada caafimaadka oo ka hadashay xanuunkani ay sheegtay in xanuunkaasi uu dalka ka jiro, dhimasho badana aanu lahayn.

 

Balse waxa jira tiro dad ah oo ugeriyooday Xanuunkan.


Loading...
Loading...