Muuse Biixi Waa Putin Oo Aan Nuclear Haysan.

0
Monday October 03, 2022 - 18:45:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 938
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Waa Putin Oo Aan Nuclear Haysan.

    Putin maalintii uu ku dhawaaqey inuu raafayo oo dagaalka Ukrain u dirayo qof kasta oo Ruushka u dhashay ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Putin maalintii uu ku dhawaaqey inuu raafayo oo dagaalka Ukrain u dirayo qof kasta oo Ruushka u dhashay ee

 da'diisu gaadhay  18 sanadood, ayaa dadkii Ruushku bilaabeen inay dalkooda ka qaxaan iyagoo buuxa dhaafiyey xuduudaha dalalka  Poland iyo Finland.  Putin markuu ogaaday inaan dalka qof ku hadheyn ayuu wareegto soo saaray,  Wareegtadaas oo leh  ”Laga bilaabo maanta waxaan xidhay in wax gaadiid ah u gudbaan xuduudaha dhinaca berriga ee dalalka aan saaxiibka Ruushka la ahayn . ” Eeg waa Isbaaro dadka yaacaya lagu celinayo.



Markii Muuse iyo Saleebaan  midna 2 sanadood ku dhufsaday,  midna 5 sanadood,  ayaa durba waxa bilowday dareen iyo cabsi iyo in laga xidh xidho magaalooyinka waaweyn oo dadkii bilaabaan inay qax  u diyaar garoobaan.


Muuse wareegto ayuu saaray markiiba, wuxuuna yidhi  ”Waa  Inaanu kantroolada dhaafi karin gaadiid aan  oggolaanshaha rarka iyo rakaabka dadweynaha ka haysan  wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland laga bilaabo 6.10.2022. Eeg waa Isbaaro kale.


Amarkaas waa la filaayey,  sababtoo ah waa iska caddahay in dadku bilaabi doonaan ka qax magaalooyinka waaweyn siiba Hargeysa oo la filayo in Putin (Muuse) Isbaaro dadka u dhigan doono.  Hore waxaan u ogeyn inuu gawaadhida yar yar bacda madow uga jarey,  si uu uga dhex baadho mustaqbalka Musharax  Cirro , Gud. Xirsi iyo Gudoomiye Faysal markuu xaalku ku xumaado, arrintaas oy  u xil saaranyiin Col. Kaahin iyo Col. Dabagale.


Xikmad ayaa ahayd ” Ninkii Buunka xadey xagee ku yeedhin ” ”Korodhsataye xagee ku xukumi doontaa ”. Xaqiidu waxa weeye Muusow, Somaliland waad dumin kartaa, laakiin ma xukumi kartid 13. November kadib.

 

Tallaabooyinka u furan Xisbiyada mucaaridka gaar ahaan iyo guud ahaan reer Somaliland 13 ka November kadib, dib  ayaan ka soo  qori doonaa inshallah.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...