Waa Sharci Daro, Muddo Kordhinta Guurtidu
Dastuurka soomaalilaan
faqradiisa labbaad, qoddobkiisa 58aad wuxuu leeyahay " muddada xilka
golaha guurtidu waa 6 sanno oo ka bilaabmaysa fadhiga labbaad". Doorasho
kaste oo baarlamaana waxay ka danbaynayaan hal sanno. Hadabba marka laga
yimaado wixii ka danbeeyay 2006dii oo muddo xileedkoodi rasmiga ahaa ku eega,
Doorashadii baarlamaanka ee dhacday sannad ka hor 31-05-21, waxa guurtiduna
muddo xileedkoodu ku eega dhamaadkii may ee sannadkan.
Haddaba marka ay sidaa
tahay muddo shan bilood ah ayay ku shaqaynayeen sharcdi daro iyo korodhsi
la'aan labaddaba.
Gole gaab galiyay
nidaankii dawliga ahaa, sharci aan ku fadhiyin innuu sameeyo muddo kordhini
waxay ka dhigantay hal xaaran ah oo nirig xalaala dhashay, taas oo aan sinnaba
u dhicikarin.
"Xaajaddu gun bay
leedahay iyo xeedho sii godane
Fariin laysu geeyiyo ka
culus guubis iyo baaqe
Bulshadii gaddooda mid
bay dhiilla galisaayaa".
Maxamed ibraahim
warsame (hadraawi).
Qore: Nimcan bihi
Email: [email protected]
Menheim-germany.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!