Maayarka Hargeysa Oo Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha Dawlada Hoose Ka Jaray Kala Badh Mushaharkii Ay Qaadan Jireen

0
Monday October 03, 2022 - 17:02:20 in News by Abdi Good
  • Visits: 2317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayarka Hargeysa Oo Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha Dawlada Hoose Ka Jaray Kala Badh Mushaharkii Ay Qaadan Jireen

    Maayarka Hargeysa Oo Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha Dawlada Hoose Ka Jaray Kala Badh Mushaharkii Ay Qaadan Jireen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayarka Hargeysa Oo Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha Dawlada Hoose Ka Jaray Kala Badh Mushaharkii Ay Qaadan Jireen

Maayarka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa qaar ka mid ah shaqaalaha dawlada hoose ka jaray kala badh mushaharkii ay qaadan jireen.


Shaqaalaha ka hawl gala waaxyaha kala duwan ee dawlada hoose ayaa bishan October la siiyey kala badh mushaharkii ay qaadan jireen iyada oo aanay jirin sabab macquula oo ilaa hada loo sheegay in mushaharkoodii looga jaray kala badh.

Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee dawlada hoose Khadar Yuusuf Cali ayaana fuliyey Amar uh siiyey maayar Mooge kaas oo qaar ka mid ah shaqaalaha dawlada hoose ka jaray kala badh mushaharkoodii.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inay jiraan laba sababood oo keenay in Cabdikariin Axmed Mooge uu mushaharka ka jaro qaar ka mid ah shaqaalaha dawlada hoose kuwaas oo kala ah dhaqaale badan oo ay uga baahdeen wadooyinka tirada badan oo uu si bilaa qorshe uga bilaabay gudaha Hargeysa kuwaas oo intii ugu badnayd qabyo tahay iyo inuu doonayo in laysku soo dhaweeyo shaqalaaha dawlada hoose oo aad u kala mushahar badan.

May be an image of 2 people


Loading...
Loading...